Qaar ka mid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho, ayaa saaka la arkay iyaga oo xiran, kadib markii ciidamada ammaanka ay gaadiidka u diideen inay isticmaalaan.
Wadooyinka saaka gaadiidka loo diiday inay maraan, ayaa waxaa ka mid ah wadooyinka ka yimaada dhanka wadada wadnaha ee soo gala wadada Maka Al-Mukarama.
Wadooyinka xiran saaka ee gaadiidka rayidka loo diidaayo, ayaa waxaa ka mid ah Isgoysyada Sheekh Cali Suufi oo Baabuurta loo diidaayo dhanka Maka Al-Mukarama inay u soo gudbaan, Isgoyska Bakaaraha, Isgoyska Hawlwadaag, Isgoyska Afarta Darjiin illaa Isgoyska Sanca.
Ciidamada NISA ee goobahaasi Koontaroolada ku leh ayaa gaadiidka yar yar iyo mootooyinka Bajaajta u diidaya inay maraan wadada, waxayna u sheegayaan in wadada ay tahay mid xiran.