HomeWararMareykanka oo xayiraadii Socdaalka ka qaaday Qaxootiga

Mareykanka oo xayiraadii Socdaalka ka qaaday Qaxootiga

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Dowladda Maraykanka ayaa mamnuucista ka qaaday dadka qaxootiga ah ka socda 11 dal oo loo arkay in ay halistooda badantahay in ay galaan Maraykanka, balse waxa ay wajahayaan baaritaan dheeraad ah ka hor inta aanan loo ogolaanin in ay dalkaas galaan. Xoghayaha amniga gudaha Maraykan Kirstjen Nielsen ayaa sheegtay in qaxootiga ay mari doonaan baaritaan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Maraykanka ayaa mamnuucista ka qaaday dadka qaxootiga ah ka socda 11 dal oo loo arkay in ay halistooda badantahay in ay galaan Maraykanka, balse waxa ay wajahayaan baaritaan dheeraad ah ka hor inta aanan loo ogolaanin in ay dalkaas galaan.

Xoghayaha amniga gudaha Maraykan Kirstjen Nielsen ayaa sheegtay in qaxootiga ay mari doonaan baaritaan adag oo la xiriira heerka halista.

- Advertisement -

Maamulka Trump ayaa bishii Obtoobar mamnuucay in ay Maraykanka galaan dadka ka socda 10 dal oo Muslimiinta u badanyihiin iyo dalka Kuuriyada Waqooyi.

“Waa muhiim in aan ognahay qofka soo galaya Maraykanka waxa uu yahay” ayay tiri Nielsen .

Inkasta oo waddamada mamnuucista ay saamaysay aanan magacanyadooda la sheegin, haddane kooxaha qaxootiga u ololeeya waxa ay sheegeen in ay kala yihiin dalalka Masar, Iran, Ciraaq, Liibiya, Mali, Kuuriya Waqooyi, Soomaaliya, Suudaanta Koonfureed, Suudaan, Suuriya, iyo Yemen.

- Advertisement -

Saddexdii sano ee ugu dambeeysay qaxootigii Maraykanka galay boqolkiiba 40% waxa ay ka yimaadeen dalalkan.

23 qof qaxooti ah oo kaliya ayaa Maraykanka galay tan iyo intii Trump uu soo rogey mamnuucista, waxayna arrintaas ku suurtogashay amar maxkamadeed.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts