HomeWararDhageyso:-Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo Xilka si Rasmiya ula Wareegay+Sawirro

Dhageyso:-Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo Xilka si Rasmiya ula Wareegay+Sawirro

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa xaflad si heer sare loo agaasimay oo ka dhacday xarunta gobolka Benaadir si rasmiya xilka ugala wareegay guddoomiyihii hore Mudane Taabid Cabdi Maxamed. Xafladda xil wareejinta oo ay ka soo qaybgaleen madax sare oo uu ka mid yahay ku-simaha Madaxweynaha, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa xaflad si heer sare loo agaasimay oo ka dhacday xarunta gobolka Benaadir si rasmiya xilka ugala wareegay guddoomiyihii hore Mudane Taabid Cabdi Maxamed.

Xafladda xil wareejinta oo ay ka soo qaybgaleen madax sare oo uu ka mid yahay ku-simaha Madaxweynaha, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka JFS, Wasiirro, Xildhibaanno,Madaxweynaha Maamulka HirShabelle, Saraakiil, Siyaasiyiin, Diblumaasiyiin iyo qaybaha bulshada ee kala duwan ayaa ku qabsoomtay jawi wanaagsan.

- Advertisement -

Ugu horrayn waxaa munaasibadda hadal ka jeediyey guddoomiyihii hore Mudane Taabid Cabdi Maxamed, waxana uu tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay inuu si nabad oo dimuquraadi ah ugu wareejiyo xilka guddoomiyaha cusub, isagoo xusay waxqabadkii uu soo qabtay mudadii uu shaqeynayay, waxana uu guddoomiyaha cusub u rajeeyey inuu halkaa kasii wado shaqada iyo horumarka.

Guddoomiyaha Cusub ee gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo kelmad qiimo badan goobta ka jeediyey ayaa u mahadceliyey madaxda qaranka, maamulkii ka horreeyey iyo bulsha weynta gobolka Benaadir, isagoo sheegay inuu wax dadaal ah la hari doonin si wax badan ugu qabto dadka degan Benaadir iyo inuu gobolka horumariyo.

“ Waan u mahadcelinayaa madaxda sare ee qaranka, waxgaradka, siyaasiyiinta iyo maamulkii hore oo runtii wax badan soo qabtay. Waa guul in si nabad oo dimuquraadi ah xilka la isugu wareejiyo, waana dhaqan wanaagsan oo aan bogaadinayo “ Ayuu yri Guddoomiye Eng. Yarisow

- Advertisement -

“Waxaan shacabka ku nool caasimadda Muqdisho u ballanqaadayaa inaan u qabto waxa ay iga wada rajaynayaan oo ah ka shaqaynta nabadda, caddaaladda, , shaqo abuurka iyo ilaalinta ammaanada, si loo gaarsiiyo adeegyo bulsho guud ahaan dadka degan Caasimadda”.Ayuu raaciyey.

“Waxaan u caddaynayaa bulshada degan Muqdisho inaan ugu shaqeyn doono si daacadnimo oo hufan, diyaar baan u ahay inaan idin kala shaqeeyo horumarinta gobolka Benaadir. Kobcinta dhaqaalaha, maalgashiga iyo bilicda caasimaddu waxay ii leeyihiin mudnaan gaar ah”. Ayuu yiri Guddoomiye Eng. Yarisow.

Ku-simaha Madaxweynaha, ahna Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka F. Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa u mahadceliyey maamulkii hore ee xilka wareejiyey. Waxuna soo dhaweeyey maamulka cusub, isagoo u rajeeyey in ay ku guuleystaan shaqada culus ee hortaalla.

Ugu danbeyn, waxaa xilalka la kala wareegay guddoomiyaha cusub ee gobolka Benaadir iyo guddoomiyihii hore, sidoo kale waxaa xilalka la kala wareegay guddoomiye ku-xigeenada maamulka iyo Xoghayaha guud ee gobolka Benaadir oo dhammaantood mahadcelin iyo boggaadin u jeediyey madaxdii ay xilalka kala wareegeen.

Hoos Ka Warbixin uu ka diyaariyay Wariye Saleemaan Xaaji Axmed Raage kana Daawo Sawirrada.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts