Magaalada Addis Ababa  ee dalka Itoobiya ayaa waxaa Maanta ku kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo Wasiiradda Arrimaha Dibadda Norway Ms. Ine Marie Eriksen Søreide.
Kulanka oo ahaa mid Casho sharaf ah oo ay ku casuuntay Wasiirada Arrimaha Dibadda IGAD,waxana looga hadlay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo sidii loo kordhin lahaa taageero ay Dowladda Norway siiso Soomaaliya.
Kulankaan ayaa ku soo aaday Maalin kadib markii Ra’iisul Wasaare Kheyre uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Nowrey xili ay isku arkeyn shirka Dhaqaalaha Aduunka ee ka socda  magaalada Davos ee dalka Switzerland.
Sikastaba Wasiirka Arrimaha Dibada soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo xubnaha la socda ayaa dalka Itoobiya u jooga ka qeybgalka madaxeedka IGAD oo dabayaaqada bishaan ka furmaya Magaalada Addis Ababa.