HomeWararAl-Shabaab oo Shabeellaha Hoosa ka fuliyay Xukun Gacan Goys ah

Al-Shabaab oo Shabeellaha Hoosa ka fuliyay Xukun Gacan Goys ah

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab ee deegaanka Kuunya Baroow ee Gobolkaas ka fuliyeen Xukun Gacan goys ah. Fagaaro ku yaalla deegaankaas ayaa waxa ay isugu keeneen boqolaal ka mid ah Shacabka iyaga oo xukunka Gacan goyska ah ku fuliyeen laba Nin oo ay Al-Shabaab ku eedeeyeen fal […]

- Advertisement -

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab ee deegaanka Kuunya Baroow ee Gobolkaas ka fuliyeen Xukun Gacan goys ah.

Fagaaro ku yaalla deegaankaas ayaa waxa ay isugu keeneen boqolaal ka mid ah Shacabka iyaga oo xukunka Gacan goyska ah ku fuliyeen laba Nin oo ay Al-Shabaab ku eedeeyeen fal Xatooyo ah iyada oo dadka hortooda ay raggaasi uga jareen mid kasta Gacantiisa midig.

- Advertisement -

Labada nin ee xukunka gacan goyska ah lagu fuliyay ee lagu kala Magacaabo Maxamuud Maxamad Xassan oo 54 sano jir ah iyo Xassan Maxamad Yuusuf oo 45 sano jir ah ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay jabsadeen dukaan ku yaalla Xaafada Ambareela ee deegaanka Kuunya Baroow isla markaana ay ka qaateen 17 milyan lix boqol iyo 73 kun oo shilinka Soomaaliga ah.

Sidoo kale waxaa War ay soo saareen Al-Shabaab ku sheegeen in Raggaasi uu soo dacweeyay ninkii lahaa Dukanka oo lagu Magacaabo Cabdalla Bakar Cabdalla,is markaana raggaasi ay qirteen falka lagu soo eedeeyay sidaasna Gacanta looga jaray laguna amray in ay lacagtii bixiyaan.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Al-Shabaab fuliyaan Xukun noocaan oo kale ah waxaana tiro dhowr jeer ay Xukuno isugu jira dil iyo Gacan goyn ay ka sameeyeen deegaanada ay ka maamulaan gobolada dalka Soomaaliya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories