HomeWararDoorashada Xubnintii Xildhibaanimo ee uu waayay Sambaloolshe oo beri ka dhaceysa Jowhar

Doorashada Xubnintii Xildhibaanimo ee uu waayay Sambaloolshe oo beri ka dhaceysa Jowhar

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle ayaa lagu wadaa in Maalinta Berito ah oo ku beegan 27/1/2018 lagu qabto doorashada Kursiga xildhibaanimo ee uu waayay Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe oo ahaa taliyihii Ciidanka Nabad-Sugida Soomaaliya. Kurigaan ayaa taliye Sambaloolshe waxa uu ku waayay kadib markii uu noqday taliyaha ciidanka Nabad-Sugida,waxana la filayaa in uu mar […]

- Advertisement -

Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle ayaa lagu wadaa in Maalinta Berito ah oo ku beegan 27/1/2018 lagu qabto doorashada Kursiga xildhibaanimo ee uu waayay Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe oo ahaa taliyihii Ciidanka Nabad-Sugida Soomaaliya.

Kurigaan ayaa taliye Sambaloolshe waxa uu ku waayay kadib markii uu noqday taliyaha ciidanka Nabad-Sugida,waxana la filayaa in uu mar kale u tartamo Xubinta Xildhibaanimo Sambaloolshe.

- Advertisement -

Gudiga doorashooyinka Qaran ayaa horay u soo banhigay shuruudaha looga baahan yahay Shaqsiga u tartamaya Xubinta xildhibaanimo oo ay u tartami doonaan dad ka soo jeeda Beesha Xawaadle gaar ahaan Cali Madaxweyne.

Lix musharax ayaa kurigaas Beri ku tartami doona kuwaas oo isdiiwaan geliyay isla markaana buuxiyay Shuruudihii laga rabay sidoo kalena bixiyay lacagtii isdiiwaan gelinta oo aheyd shan kun oo dollar ($5,000), waxana ka dhex muuqda Siyaasitiin Caan ah.

Dadka ugu cad cad ee kursigaan ku tartami doona ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore ee Maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble Daahir Cabdulle Cawaale oo ka mid ahaa musharixiintii la tartantay Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle iyo Xubno kale.

- Advertisement -

Hoos Ka Akhriso Magacyada musharixiinta Beri ku tartami doona Xubinta baarlamaan ee uu waayay Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe.

1:- Cali Cabdullaahi Cosoble

2:- Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe

3:- Nuur Iidow Beyle

4:- Xuseen Axmed Geelle

5:- Dahabo Xasan Axmed

6:-Dahir Cabdulle Cawaale

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories