HomeWararSawirro:-Qaar ka mid ah dhaawacyadii Qarixii Zoobe ee loo qaaday Turkiga...

Sawirro:-Qaar ka mid ah dhaawacyadii Qarixii Zoobe ee loo qaaday Turkiga oo Dib loogu soo celiyay Muqdisho

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga oo kaashaneysa Wasaaradda Caafimaadka dalkaasi ayaa markii saddexaad dalkaasi ka soo sagootisay 9-ruux oo ka mid ah dhaawacyadii la geeyay Ankara ee ku dhaawacmay Qaraxii 14tii October ka dhacay Muqdisho,kuwaasi oo hadda xaaladooda caafimaad soo hagaagtay. 9-ka ruux oo xalay Garoonka diyaaradaha magaalada Akara ay ka sagootiyeen mas’uuliyiin ka tirsan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga oo kaashaneysa Wasaaradda Caafimaadka dalkaasi ayaa markii saddexaad dalkaasi ka soo sagootisay 9-ruux oo ka mid ah dhaawacyadii la geeyay Ankara ee ku dhaawacmay Qaraxii 14tii October ka dhacay Muqdisho,kuwaasi oo hadda xaaladooda caafimaad soo hagaagtay.

9-ka ruux oo xalay Garoonka diyaaradaha magaalada Akara ay ka sagootiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga,Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Caafimaadka Turkiga,Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi iyo Ardayda waxka barata dalka Turkiga ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ayaa waqti badan gelisay xaaladda Bukaanada iyo ka warqabkooda iyadoo gacan wanaagsan ka heleysay Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Turkiga oo habeen iyo maalin u soo jeeday sidii dadka walaalahood ee Qaraxa ku soo dhaawacmay loo caawin lahaa.

Sidoo kale,caawinta dadka Bukaanada ah waxaa gacan lama ilaabaan ah ka geystay Jaaliyadda Soomaaliyeed oo muujiyay door wanaagsan oo soomaalinimo ku saleysan.

Dhaawacyadani waxaa ka mid ahaa Mumtaz Hassan Ali oo ahayd lix jir oo la geeyay dalka Turkiga ku jirtay Xaalad koomo ah,waxaana dib loo soo celiyay iyadoo iyada iyo Hooyadeed farxad ka muuqada waliba caafimaad qabta Alle mahadii.

- Advertisement -

Magacyada dhaawacyadii soo bogsooday waxaa ka mid ahaa:-

Hussein Hassan Ahmed.

Samira Sheikh Mohamed.

Adam Muse Hassan.

Alas Elmi Qobey.

Mumtaz Hassan Ali.

Abdalla Omar Mayew.

Bille Adan Farah.

Said Abdi Jeele.

Ali Diriye Farah.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts