HomeWararHoyga Siyaasiga C/Raxmaan Cabdishakuur oo la weeraray iyo khasaaro soo gaaray ilaaladiisa

Hoyga Siyaasiga C/Raxmaan Cabdishakuur oo la weeraray iyo khasaaro soo gaaray ilaaladiisa

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Cabdi Shakuur Cabdiraxmaan oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed kana mid ahaa musharixiintii Madaxweyne Farmaajo kula tartantay xilka Madaxtinimada Soomaaliya ayaa xalay weerar lagu qaaday Gurigiisa oo u dhow Hotelka Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Weerarkaas ayaa la sheegay in ay ku geeriyoodeen ilaa 5 Askari halka Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur uu dhaawac soo gaaray,sida aan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Cabdi Shakuur Cabdiraxmaan oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed kana mid ahaa musharixiintii Madaxweyne Farmaajo kula tartantay xilka Madaxtinimada Soomaaliya ayaa xalay weerar lagu qaaday Gurigiisa oo u dhow Hotelka Jaziira ee Magaalada Muqdisho.

Weerarkaas ayaa la sheegay in ay ku geeriyoodeen ilaa 5 Askari halka Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur uu dhaawac soo gaaray,sida aan Wararka ku helnay.

- Advertisement -

In kastoo aan sidhab ah loo ogeyn cida weerartay Guriga Siyaasiga ayaa  Xildhibaan Cabdi Fitaax Ibraahim geesay oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya uu V0-da u sheegay in weerarkaas ay ka dambeeyaan Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Xildhibaan Axmed Mcalin Fiqi oo ka mid ah Baarlamanka Soomaaliya ayaa Brtiisa Fcebook ku daabacay in weerarkaas lagu dilay 4 Askari oo ka mid ah Ilaalada Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur.

Majiraan Warar madaxbanaan oo xaqiijinaya in Ciidamada dowladda ay weerareen guriga Cabdishakuur uu degan yahay oo u dhow Goobo aad loo ilaaliyo amnigooda sida Hotelka Jaziira iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

- Advertisement -

Arrintaan ayaa imaaneysa xili shalay Xeer ilaaliyaha Qaranka uu sheegay in laba ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka xasaanada laga qaado kuwaas oo lagu soo eedeeyay in ay wadaan Qaran dumis.

Ugu dambeyn waxaa la sheegay in Siyaasiga Cabdirxmaan Cabdi Shakuur ay wateen Ciidamadii soo weeraray isla markaana aan la ogeyn halka lala aaday.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts