Kooxo hubeysan ayaa qeybo ka mid ah degmada Dharkenley ee Gobolkaan Banaadir waxa ay Maanta weerar ku qaadeen Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha Wasaarada Gaadiidka xili uu ku sugnaa inta u dhaxeysa degmooyinka Wadajir iyo Dharkenley
Dadka deegaanka ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in xiliga la weerarayay Cabdullaahi Sheekh Cumar uu taagnaa Goob Shidaalka lagu iibiyo isla markaana Gaarigiisa uu Shidaal ku shubanayay.
Sidoo kale Ehelada Masuulka la dhaawacay ayaa waxa ay sheegeen in uu Garabka ka soo gaaray dhaawac fudud isla markaana lagu daweynayo mid ka mid ah Isbitaalada Magaalada Muqdisho.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa Goobta gaaray kuwaas oo sameeyay baaritaano in kastoo aysan ku guuleysan Soo qabashada dadkii ka dambeeyay weerarkaas.