Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa weli ka socda shirka Madaxda dowlad Goboleedyada dalka ka jira kaas oo xalay sirasmi ah uga furmay Kismaayo.
Dhamaan madaxda Maamul Goboleydyadda ayaa ka qeybgalaya shirkaas kuwaas oo kala ah Puntland, Hir-Shabellee, Koonfur Galbeed Jubbaland iyo Galmudug iyo Xubno kale oo korjoogto ka ah shirkaan.
Dowladda Federaalka Madaxdeeda iyo siyaasiyiinta qaarkood ayaa waxa ay shaki ka qabaan qaabka uu u dhacay shirkaas balse hoggaamiyayaasha ayaa waxa ay sheegeen in uu yahay mid muhiim u ah Ummadda Soomaaliyeed.
Ammaanka Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay waxaana hoggaamiyaha martida loo yahay ee Axmed Madoobe uu sheegay in shirkaas gabagabadiisa Warmurtiyeed laga soo saari doono.