Al-Shabaab ayaa weerar waxa ay ku qaadeen Degaanka Teed oo 30 Km u jira Magaalada Xudur ee Xarunta  gobolka Bakool halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed.
Dagaal mudo socday ayaa labada dhinac halkaasi  ku dhex maray sida ay sheegeen dadka deegaanka qaarkood oo diiday in sababo dhanka amniga ah in Magacooda iyo codkooda in Warbahinta loo deegsado.
Al-Shabaab ayaa War ay ku qoreen Baraha Internet-ka waxa ay ku sheegeen in weerarkii ay ku qaadeen deegaanka Teed oo kala qeybiya degmooyinka Ceelbarde iyo Xudur  ay ku qabsadeen Gaadiid sidoo kalena ay la wareegeen.
Weli macada khasaaraha ka dhashay dagaalkaas maadaama xiliga uu bilaabanayay ay aheyd waqti aroor ah waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in uu jiro khasaaro labada dhinac ah.
Maamulka degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayay Dalsan la xiriirtay si ay wax uga weeydiiso faah faahinada dheeriga ah ee dagaalkaas balse kama jawaabin taleefoondeena