HomeWararCiidamada amniga oo Caawa qabtay rag fal dambiyeed loo heesto

Ciidamada amniga oo Caawa qabtay rag fal dambiyeed loo heesto

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Ciidamada amniga oo kaashanaya shacabka gobolka Benaadir ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan dhallinyaro fal dhaawac ah ka geystay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka. Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho mudane Thabit Cabdi Maxamed oo warbaahinta kula hadlay Waaxda Axmed-Gureey ee degmada Hodan ayaa sheegay in ciidamada dowladda, gaar ahaan ilaalada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidamada amniga oo kaashanaya shacabka gobolka Benaadir ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan dhallinyaro fal dhaawac ah ka geystay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho mudane Thabit Cabdi Maxamed oo warbaahinta kula hadlay Waaxda Axmed-Gureey ee degmada Hodan ayaa sheegay in ciidamada dowladda, gaar ahaan ilaalada Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Khaliif Cabdiqaadir ay ku guuleysteen inay qabtaan rag fal dambiyeed geystay oo doonayay inay goobta ka baxsadaan.

- Advertisement -

“Koox dhallinyaro ah oo bistoolado ku hubeysan, fal dambi ahna geystay oo qof soo dhaawacay ayaa la qabtay, waxaan caawa dadka Muqdishaawiyiinta ah ugu bishaareynayaa in wada shaqeynta shacabka keentay in lagu guuleysto in dad fal dambi intaas la eg geystay lagu qabtay Waaxda Axmed Gureey, Waa Alle mahadiis, waxaana ku wareejinay hay’adaha ammniga, iyaga ayaa caddeyn doono waxa ay yihiin raggan bistooladaha ku hubeysan” ayuu yiri Guddoomiye Thaabit.

Guddoomiyaha ayaa xusay in qofkii ay dhaawaca u geysteen raggan hubeysan ay ku booqdeen mid ka mid ah xarumaha caafimaadka ee Muqdisho, waxaana uu shacabka uga mahadceliyay kaalinta ay ka geysteen in gacanta lagu soo dhigo rag fal dambiyeed geystay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts