Arintaan ayaa timid kadib markii ay kulan wada yeesheen Masuuliyiin ka tirsan Hay’addaha Arrimaha Beeraha iyo Cunada ka Shaqeeya iyo Madaxda Wasaarada Beeraha Soomaaliya kaas oo looga gol lahaa sidii loo hubin lahaa tayada wax ay qabanayaan.
Wasiir ku xigeenka Wasaarada beeraha Xaamud Cali Xasan ayaa sheegay in Hay’addahaas aysan qaban Karin Shaqo aysan ogeyn wasaaradaha Beeraha iyo Maaliyada Soomaaliya,isla markaana ay shaqooyinkaas ogeeysiiyaan.
Wasiir ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in Hay’adaha dalka ka Shaqeya ay noqdeen kuwa iyada oo aan isdiiwangelin waxa ay doonaan qabtaan, waxa uuna sheegay in xiligaan wixii ka dambeeya laga doonayo in ay isdiiwaangeliyaan.
Dad badan ayaa aaminsan in tallaabadaan ay meesha ka saari kartro Hay’addo farabadan oo mararka qaar dalka soo geliya waxyaabo dhacay taas oo horay dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga digtay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha