Idaacadda Dalsan ee Magalada Muqdisho ayaa Warar ay heleyso waxa ay sheegayaan in Shirka Khamiislaha ah ee Golaha Wasiirada dowladda Federaalka Soomaaliya uu markii ugu horeysay ka dhacaayo meel ka baxsan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Magaalada kismaayo ee Xarunta gobolka jubbada hoose maamulka jubbaland ayaa oo qorsheeyay in todobaadkaan lagu qabto kulanka Golaha Wasiirada tan iyo markii dowladda ay ka baxday KMG.
Inta badan Golaha wasiirada ayaa ra’iisul Wasaare Kheyre uu ku wargeliyay in ay u diyaar garoobaan safar ay ku tagayaan Magaalada kismaayo si ay uga qeyb galaan kulanka golaha Wasiirada.
Magaalada kismaayo ee Xarunta KMG,ka ah ee maamulka Jubbaland ayaa haatan laga dareemayaa diyaar garowga ku aadan shirka Golaha Wasiirada,iyada oo wufuud ay kala hoggaaminayaan ra’iisul Wasaaraha iyo ku xigeenka ay halkaasi tegi doonaan.
Dowladda cusub ee Federaalka Soomaaliya ayaa haatan u muuqata mid ka duwan dowladdihii dalka soo maray,iyada oo la timid qorshooyin cusub oo ah inay xarumaha maamul goboleedyada dalka ku qabato shirarka Golaha Wasiirada.