Wasaarada arimaha Gudaha Maamulka Puntland ayaa soo saartay digniin ku socota dhamaan Hay’addaha ka howlgala deegaanada Puntland si gaar ah Madaxda Hay’addaha NRC iyo DRC,kuwaas oo sheega in dadka caawiyaan.
Wasiirka Arimaha gudaha iyo dowladdaha Hoose ee Maamulka puntland Axmed Karaash ayaa sheegay in ay jiraan Hay’addo ka howlgala Puntland kuwaas oo sheegta in ay caawiyaan dadka barakacayasha ah balse ay uga timid cabasho ku aadan in ay dadkaasi dayaceen.
Waxa uu sheegay in xiligaan wixii ka dambeeya Puntland ay ka fiirsan doonto qaabka ay u shaqeeyaan Hay’addaha islamarkaana hadii ay muujiyaan waayaan waxqabn Go’aan laga gaari doono sida uu hadalka u dhigay.
Gaba gabadii ayaa waxa uu uga baaqay Madaxda Hay’adaha  NRC iyo DRC, in ay si wanagsan dadka ugu shaqeeyaan hadii kale lala xisaabtami doono.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka