HomeWararWasiirada Arrimaha Gudaha Dowlad-gobolleedyada oo shir Nairobi kaga qeyb-galaya+Sawiro

Wasiirada Arrimaha Gudaha Dowlad-gobolleedyada oo shir Nairobi kaga qeyb-galaya+Sawiro

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Wasiirada Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Shir looga hadlayo horumarinta Maamulada kaga qeyb galaya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa kormeeray xaruumaha dowladda Kenya, si ay wax badan uga ogaadaan sida ay u shaqeeyaan. Ujeedka Shirka ayaa ah sidii Wasaaradaha arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedyada ay cashar kaga qaadan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirada Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Shir looga hadlayo horumarinta Maamulada kaga qeyb galaya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa kormeeray xaruumaha dowladda Kenya, si ay wax badan uga ogaadaan sida ay u shaqeeyaan.

Ujeedka Shirka ayaa ah sidii Wasaaradaha arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedyada ay cashar kaga qaadan lahaayeen sida ay u shaqeeyaan hey’adaha Dowladda Kenya sida Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalkaas oo u shaqeeysa qaab Federaal ah, iyo sida loo dhiso maamulada degmooyinka, Waxaana sidoo kale shirkaasi goobjoog ka ah Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Gudaha Prof Yaxye.

- Advertisement -

Xubnaha Shirka ka qeyb galaya ayaa shalay booqday Xafiisyada ay ku shaqeeyaan Hey’adaha Dowladda Kenya kuwaa oo indha indheeyay sida ay u shaqeynayaan, iyadoo faah faahin dheeraad ah laga siiyay sida xafiisyadaasi ay u shaqeeyaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cali Caadle ayaa sheegay safarka ay ku joogaan Kenya in uu yahay mid wax ku ool ah oo uu sheegay in ay wax ka  baranayaan  sida ay u shaqeeyaan Hey’adaha wadankaasi, waxaana uu tilmaamay wasiirka in  u jeedka uu yahay In aan  cashar ka qaadano habka ay u shaqeeyaan, wixii aan dabaqi karnana  aan dabaqnaa.

Maanta ayaa sidoo kale lagu wadaa Mas’uuliyiintaasi in ay booqdan Xafiiska Madaxweyne Ku Xigeenka Dalka Kenya, Xafiiska Miisaaniyada wadankaasi, iyo xaruumo kale oo ay ugu   kuur galayaan in wax badan ay ka ogaadaan habka ay u shaqeeyaan, waxaana intii halkaasi ay ku sugnaayeen wafdiga soo dhoweyn heer sare ah ay kala kulmaan madaxda wadanka.

- Advertisement -

 

Sawiro

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts