Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku qaabilay Madaxa Raabidada Caalamka Islaamka
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa 11-ka Sebtembar 2026 magaalada Muqdisho ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka Islaamka, ahna Guddoomiyaha Golaha Culimada Muslimiinta, Dr. Mohammed bin Abdulkarim Al-Issa.
Kulanka oo ka dhacay Madaxtooyada Qaranka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Raabidada Caalamka Islaamka, gaar ahaan arrimaha diinta, nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka hadlay muhiimadda ay leedahay in la dhiirrigeliyo faham dheellitiran oo ku saabsan diinta Islaamka, lana iska kaashado ka hortagga fikirka xagjirka ah iyo marin-habaabinta dhalinyarada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay Raabidada Caalamka Islaamka taageerada ay u muujisay midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, iyo kaalinta ay ka qaadato horumarinta bulshada.
Booqashada Al-Issa ee Muqdisho ayaa ku soo beegantay xilli Soomaaliya ay xoogga saarayso doorka culimada iyo hay’adaha diinta ee wacyigelinta bulshada, xoojinta nabadda iyo ka hortagga fikirrada xagjirka ah.
Intii uu ku sugnaa Muqdisho, Al-Issa wuxuu sidoo kale khudbadda Jimcaha ka jeediyay Masjidka weyn ee magaalada, isagoo salaadda hoggaamiyay, waxaana ka qaybgalay masuuliyiin, culimo iyo dadweyne badan.
