HomeWararBooliiska Gobolka Banaadir oo Mamnuucay Askarta Hubeysan ee Isticmaasha Mootooyinka Fekonta, Askari...

Booliiska Gobolka Banaadir oo Mamnuucay Askarta Hubeysan ee Isticmaasha Mootooyinka Fekonta, Askari Dhac Geystayna La Qabtay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Taliska Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo saaray amar cusub

- Advertisement -
- Advertisement -

Taliska Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo saaray amar cusub oo mamnuucaya in askari hubeysan uu isticmaalo mootooyinka Fekonta, sidoo kalena reebaya in askari hubeysan oo aan shaqo ku jirin lagu arko gudaha Caasimadda Muqdisho.

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii baraha bulshada lagu faafiyay muuqaallo muujinaya falal dhac ah oo ay geysanayeen rag hubeysan, taas oo keentay in Booliisku adkeeyo qorshayaasha sugidda amniga.

- Advertisement -

Qoraal ka soo baxay Taliska Booliiska ayaa lagu xaqiijiyay in la qabtay eedaysane D/le Liiban Mustaf Aadan, oo ku eedeysan falal dhac isdaba joog ah oo ka dhacay dhowr degmo oo Muqdisho ah. Eedeysanaha ayaa haatan ku jira gacanta Booliiska, waxaana la horgeyn doonaa maxkamadda awoodda u leh si sharciga loo waafajiyo.

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa carrabka ku adkeeyay in askari kasta oo ku xadgudba awaamiirta amniga laga qaadi doono tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Booliiska Caasimadda ayaa sidoo kale bulshada ku wargeliyay in cid kasta oo la kulanta fal amni-darro ay si degdeg ah ula xiriirto saldhigga Booliiska ee ugu dhow ama ay wacdo lambarka gaaban ee 991, si tallaabo degdeg ah looga qaado dembiilayaasha.

- Advertisement -

Amniga magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay mid si tartiib tartiib ah u soo hagaagaya, iyadoo ciidamada amniga ay kordhiyeen howlgallada lagu xaqiijinayo badqabka shacabka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts