Wasaradda waxbarashada  hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda faderaalka ah ee soomaaliya ayaa horraantii bishii 9aad sanadkan waxa aay soo saartay amarro la xiriira Wax ka bedelka jadwalkii  waxbarasho ee dalka gaar ahaan Dugsiyadda hoose, dhexe midka sare iyo jamacadaha taas oo  bilowga sanadkan la hir gelin doono sida ay sheegtay wasaraddu.
Dugsiyada hoose,dhexe iyo kuwa sare ee dalka ayey ardaydu aadi doonaan 6 maalmood oo xiriir ah halka marki ay hore ay ardaydu iskuulladu aadi jireen 5 maalmood 2 maalmood oo todobaadka kamidana ay nasan jireen sida ay qorsheeysay wasaaradda waxbarshada ujeedduna tahay tayeeynta waxbarashada iyo ardaydaba.
‘’Waxa soo siyaaday hal maalin oo waxbarasho ah macnaheedu waxa waaye malinkaas in waxbarashada lagu daray waxay ka qeyb qadanaysa tayeeynta waxbarashada dowladii hore Somalia maalintaas wuu ku jirey burburkii ka dib ayaa maalintaan laga reebay hadana waa la soo celshay waa arin wanagsan’’ waxaa sidaas yiri guddoomiyaha midowga dugsiyada gobollka benadir prof-Maxamuud Cumar Saxane.
Jamacadaha dalka ayaa sido kale lagu daray hal sano oo diyaarin ah taas oo ardayda ay baran donaan mudadaas casharo la xiriira barashada luuqadaha kala English carabi iyo tayeeynta afka hooyo ee soomaaliga  ah. Taas oo ardayda looga hortagi karo in ay ku adkaadan madooyiinka ay baranayaan.
Jamacadaha qaar ayaa nidaamkan hore ugu dabaqi jirey ardayda wax ka baranaysa jamacadahaas kuwaas oo ahaa jamacado fara ku tiris ah oo lagu tilmaami jirey in ay yihiin kuwo tayo leh ardayda ka soo baxda balse hada waxa nidaamkan ka faaiideysan doona dhamaan ardayda bilaabaysa jamacadaha dalka.
‘’Runtii wasarada waanka wada hadalnay waanka doodanay sido kale hore Ayaan ugu gudbinay waa arin wanaagsan hadii la dhaqan galiyeey. Waxba ma halaabayaan waa arin wanaagsan oo soo siyaadey ardaydana waxay u tahay faa,iido soo koroortay’’
Agaasimaha Wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee dalka Ismaciil Yuusuf Xasan ayaa xusay in nidaamkan loo gudbin doono dhamaan gobollada dalka si dalka oo dhan uu uga hirgalo nidamkani.
Wasaaradda waxbarashada ayaa sheegtay in tayeeynta waxbarashada dalka in ay yareeyn karto shaqo la’aanta dalka ka jirta taas oo dhainyarada u sahlaysa in ay si sahlan ula jaanqadi karaan dhamaan fursadaha shaqo ee dalka.
‘’ Wasaaraddu waxay wadda dedaallo badan oo kor loogu qaadayo waxbarashada dalka haddi la tayeeyo oo kor loo qaado waxbarashada dalkeena waxa yaraanaya fursadaha shaqo la,aa nee dalka markaa waxaamu sameynay la tashiyo dhowr ah oo guuleystay taas oo keentay in aan ku guuleysano inaan wax ka bedelno nidaamka waxbarashada dalka’’ayuu raaciyay Agaasimuhu.
Bulshada soomaaliyeed ayaa ku kala aragti duwan hirgelinta nidaamkan iyaga oo xusay in duruufo dhaqaale oo haysta waalidiinta dhalay ardayda qaarkood aysan awoodin sanadka lagu daray jamacadaha dalka taas oo caqabad ku noqon karta ardayda, hase yeeshee qaarkood ayaa qaba in wasaaraddu ay arintaas ka soo saari karaan arrimo xal loogu raadinayo cabashooyiinka la xiriira arinta.
Farxiyo Maxamed Xuseen, Bilan Media reporter