HomeWararXildhibaanadii xasaanada laga qaaday oo ka hadlay Warkii Maxkamadda Puntland

Xildhibaanadii xasaanada laga qaaday oo ka hadlay Warkii Maxkamadda Puntland

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Maxkamadda Sare ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa duhurnimadii shalay shaaca ka qaaday waqtiga la dhageysan doono Dacwad ay u soo gudbiyeen Xildhibaanadii Puntland ee khamiistiin lasoo dhaafay xanaanada laga qaaday. Qoraal kasoo baxay Maxkamadda Sare  ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Dacwada oo ku aadan qaabkii loo maray xilka qaadista Xildhibaanadii Puntland la dhageysan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maxkamadda Sare ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa duhurnimadii shalay shaaca ka qaaday waqtiga la dhageysan doono Dacwad ay u soo gudbiyeen Xildhibaanadii Puntland ee khamiistiin lasoo dhaafay xanaanada laga qaaday.

Qoraal kasoo baxay Maxkamadda Sare  ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Dacwada oo ku aadan qaabkii loo maray xilka qaadista Xildhibaanadii Puntland la dhageysan doono 10-ka bishan December oo ku beegan maalinta barri.

- Advertisement -

Xildhibaanadaas oo gaaraya ilaa iyo 8-xubnood oo si hoose warbaahinta ula hadlay ayaa ka hadlay Qoraalkii kasoo baxay Maxkamadda Puntland oo lagu sheegay in Xildhibaanada xasaanada laga qaaday ay u soo gudbiyeen Dacwda la xiriirta xilka qaadistoodii.

Waxaa ay sheegeen 8-dii Xildhibaan in aysan jirin wax Dacwad ah oo ay u gudbiyeen Maxkamadda sare ee dowlad Goboleedka Puntland, iyagoona beeniyay Qoraalkii kasoo baxay shalay Maxkamadda.

Xildhibaanada xasaanada laga qaaday ayaa sheegay in ay weli yihiin Xildhibaano, isla markaana si sharci darro ah Baarlamaanka Puntland u maray xilka qaadistooda, iyagoona Xukuumadda ku eedeeyay inay ka dambeeysay arrintii dhacday.

- Advertisement -

Xildhibaandii xilka laga qaaday ayaa kala ahaa Maxamuud Maxamed Barre, Cabdicasiis Siciid Maxamuud (Baduugaaye), Maxamuud Axmed Caalin, Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, Saleebaan Faarax Ciise, Cabdiqani Abshir Jaamac ( Surato) iyo Muuse Siciid Xassan (Jajabsay).

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts