HomeWararMadaxweyne Qoorqoor oo safar Deg-deg Maanta ku imaanaya Muqdisho

Madaxweyne Qoorqoor oo safar Deg-deg Maanta ku imaanaya Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo maalmo kahor dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb ayaa Maanta safar deg deg ah ugu soo wajahan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka. Ujeedka Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa uu yahay mid la xiriira Guddiyada doorashada ee hee maamul Goboleed oo shalay dowladda Federaalka qaar kamid ah Guddiyada ku […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo maalmo kahor dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb ayaa Maanta safar deg deg ah ugu soo wajahan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Ujeedka Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa uu yahay mid la xiriira Guddiyada doorashada ee hee maamul Goboleed oo shalay dowladda Federaalka qaar kamid ah Guddiyada ku xareysay Hotelka Peace ee Magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Guddiyada la xareeyay ayaa waxaa ay kala yihiin Guddigii doorashada dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, Hirshabeelle iyo min saddex xubnood oo Xukuumadda ku kordhisay Guddiyada doorashada heer dowlad Goboleed.

Guddigii doorashada Galmudug ayaa ka mid noqon kuwa la xareeyay, isla markaana waxaa la sheegay in Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor uu dalbaday in dib loogu dhigo, isagoona arrintaas maanta u imaanaya Muqdisho.

Warar la helayo ayaa sheegaya in sababta uu dalbaday Qoorqoor in aan la xareyn Guddiyada Galmudug magacaawday ayaa waxaa lagu sheegay inuu doonayo in marka horey xal laga gaaro khilaafka ka taagan Guddiyada doorashooyinka heer Federaal iyo heer maamul Goboleed.

- Advertisement -

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa la tilmaamay inuu dib u bilaabi doono waanwaan maalmihii lasoo dhaafay uu ka dhex waday Madaxda dowladda Federaalka iyo Musharaxiinta Madaxweynaha oo khilaaf xoogan uu xiligaan u dhexeeyo.

Muran xoogan ayaa xiligaan ka taagan Guddiyada doorashada ee heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed ee la magacaabay, waxaana siweyn uga soo horjeeda Musharaxiinta Madaxweynaha oo sheegay in Guddiyadaas aan lagu haleyn karin Doorashada Qaranka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories