HomeWararRuushka oo soo saaray fariin ku socota Dowladda Somalia iyo Somaliland

Ruushka oo soo saaray fariin ku socota Dowladda Somalia iyo Somaliland

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Dowladda Ruushka ayaa ka hadashay wada-hadalkii bishii Ogoosto ee sanadkaan 2020 dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ku dhexmaray dalka Jabuuti oo labada dhinac heshiis gaareen, in kastoo aan la fulin. Ergayga joogtada ah ee Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobay Vassiliy Nebenzia ayaa sheegay in Xukuumadda Moscow ay ka walaacsan tahay burburka ku yimid wejiga labaad […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Ruushka ayaa ka hadashay wada-hadalkii bishii Ogoosto ee sanadkaan 2020 dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ku dhexmaray dalka Jabuuti oo labada dhinac heshiis gaareen, in kastoo aan la fulin.

Ergayga joogtada ah ee Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobay Vassiliy Nebenzia ayaa sheegay in Xukuumadda Moscow ay ka walaacsan tahay burburka ku yimid wejiga labaad wada-hadalkii bilowga ahaa ee dhexmaray Soomaaliya iyo Somaliland ee Jabuuti.

- Advertisement -

Sidoo kale Vassiliy Nebenzia ayaa tilmaamay in muhiimad weyn ay leedahay in mar kale dib loo bilaabo wada-hadaladii u dhexeeyay labada dhinac, isla markaana laga shaqeeyo qaabka ugu wanaagsan khilaafka lagu xalin karo.

Ergayga Ruushka ee Qaramada Midoobay ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ka dalbaday wax kasta lagu dhameeyo wada-hadal buuxa lana sii amba qaado wejiga labaad wada-hadalkii bilowga ahaa ee Ogoosto ka dhacay Jabuuti.

“Waxaan ka walaac sanahay burburka ku yimid wejiga labaad ee wada-xaajoodyadii August, waxaan ka dalbaneynaa labada dhinac inya isu tanaasulaan, aad bey muhiim u tahay in wadahadalada Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland dib loo bilaabo” ayuu yiri Vassiliy Nebenzia.

- Advertisement -

Somaliland ayaa si iskeed ah Madaxbannaani ugu dhawaaqday markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, ku dhawaad 30 sano ka hor, Tan iyo xilligaas waxay Ma’suuliyiinta Somaliland raadinayeen aqoonsi caalami ah, iyadoona wada-hadalo dhowr oo horey u dhexmaray Somalia iyo Somaliland ay fashil kusoo dhammaadeen.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts