HomeWararGo’aankii kasoo baxay Maamulka Puntland oo Maanta dhaqan galaya

Go’aankii kasoo baxay Maamulka Puntland oo Maanta dhaqan galaya

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Waxaa maanta lagu wadaa inuu dhaqan galo Go’aankii khamiistii lasoo dhaafay kasoo baxay Golaha Wasiirrada maamul Goboleedka Puntland, kaas oo shirkadaha Isgaarsiinta lagu siiyay amar ah in hal doollar ama ka yar aan la isugu diri Karin adeegyada Sahal iyo E-dahab. Wasaaradda Maaliyadda Puntland waxay Shirkadahaas amar ku siiyay, in ay sarrif ahaan u qaataan […]

- Advertisement -

Waxaa maanta lagu wadaa inuu dhaqan galo Go’aankii khamiistii lasoo dhaafay kasoo baxay Golaha Wasiirrada maamul Goboleedka Puntland, kaas oo shirkadaha Isgaarsiinta lagu siiyay amar ah in hal doollar ama ka yar aan la isugu diri Karin adeegyada Sahal iyo E-dahab.

Wasaaradda Maaliyadda Puntland waxay Shirkadahaas amar ku siiyay, in ay sarrif ahaan u qaataan Lacagta Shiling Soomaaliga ah, si loo soo celiyo qiimaha lacagta Shilin-ka oo hoos u dhac ballaaran ku yimid, taas oo sicir-barar keentay.

- Advertisement -

Sidoo kale War gelinkii dambe ee shalay kasoo baxay Wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa lagu adkeeyay shirkadaha in ay u hoggaansamaan awaamiirtii kasoo baxday shirkii golaha wasiirrada.

Magaalooyin ka tirsan Mamaulka Puntland ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay banaanbaxyo xoogan oo looga horjeeday sicir barar xoogan oo ka jira deegaano ka tirsan Puntland.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories