HomeWararSuuqyada Boosaaso oo mar kale Maanta xiran iyo Qeylo dhaan soo yeertay

Suuqyada Boosaaso oo mar kale Maanta xiran iyo Qeylo dhaan soo yeertay

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Waxaa Maanta mar kale xiran Xarumaha Ganacsiga ee ku yaalla Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, iyadoo aysan jirin dhaq-dhaqaaqyo Ganacsi ah oo jira, sida aan wararka uga heleyno halkaas. Qaar kamid ah Gancsatada oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in mar kale Go’aan lagu gaaray in aan la furin Xarumaha Ganacsiga ee Boosaaso, […]

- Advertisement -

Waxaa Maanta mar kale xiran Xarumaha Ganacsiga ee ku yaalla Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, iyadoo aysan jirin dhaq-dhaqaaqyo Ganacsi ah oo jira, sida aan wararka uga heleyno halkaas.

Qaar kamid ah Gancsatada oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in mar kale Go’aan lagu gaaray in aan la furin Xarumaha Ganacsiga ee Boosaaso, sababo la xiriira sicir barar xoogan oo weli taagan iyo lacagta shilinka Soomaaliga oo qiimo beeshay.

- Advertisement -

Sidoo kale Gancsatada ayaa tilmaamay in weli uusan maamulka Puntland waxba ka qaban cabashooyin dhowr ah oo ay u gudbiyeen Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo ku aadan diidmada lacagta shilling-ka Soomaaliga.

Gancsatada kunool  Magaalada Boosaaso ayaa Maamulka sare ee Puntland ugu baaqay inay wax badan ka qabtaan sarifka lacagaha qalaad iyo sicir bararka xoogan ee jira saameynta yeeshay, iyagoona Caddeeyay in xarumohoodu ganacsiga ay sii xirnaan doonaan inta laga helayo xal wax looga qabanayo cabashadooda.

Dhinaca kale deegaanada Puntland waxaan maanta ka hirgalay Amar kaso baxay Golaha Wasiirada Puntland oo ahaa  in shirkadaha Isgaarsiinta ay joojiyaan  kudirista Mobile-ka  $1 iyo wixii ka yar iyagoo adeegsanaya edeegyada kala ah SAHAL IYO E-DAHAHB.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories