Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa gaaray Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan Maxamed iyo wafdi uu hoggaamiyay, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.
Garoonka diyaaradaha Ugaas Khilaaf ayaa wafdiga Guddoomiye Luqmaan oo isugu jiray Xildhibaano, Wasiiro iyo Saraakiil Ciidan waxaa kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka iyo xubno kale.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa loo galbiyay Xarunta Maamulka Gobolka oo uu ku sugan yahay Madaxweyne ku-xigeenka maamulkaas Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed oo maalmo kahor Magaaladaas tegay.
Ujeedka wafdiga ka socday Hirshabeelle ee Magaalada Baladweyne ayaa waxaa uu yahay sidii loo xalin lahaa tabashooyinkii ka dhashay doorashadii ka dhacday Magaalada Jowhar iyo dhismaha maamulka Hirshabeelle oo ay qabaan dadka degan Hiiraan.
Waxaa la filayaa in Guddoomiye Cabdixakiin Luqmaan uu kulamo la qaato Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, isla markaana uu bilaabo xalinta tabashooyinka ka dhashay doorashada.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Baladweyne ka dhacayay banaanbaxyo rabashado watay oo looga soo horjeeday Hirshabeelle iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe, iyadoona xusid mudan tahay in banaanbaxayada dad loo xiray, waxaana xusid mudan in amniga Magaalada siweyn loo adkeeyay.
Wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa Maanta waxaa diyaarad markii hore ay ka raaceen Magaalada Jowhar kula ciladowday meel ku dhow Baladweyne, kadib markii uu halaabay mid kamid Matoorada diyaarada.