HomeWararGoobo ganacsi oo ay leeyihiin Soomaali oo la xiray iyo sababta keentay...

Goobo ganacsi oo ay leeyihiin Soomaali oo la xiray iyo sababta keentay  

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

5 Dukaan oo Cusub oo dhawaan Ganacsato Soomaali ah ay ka furtenn deegaanka Tsakane ee hoostega degmada Ekurhuleni ee Magaalada Johannesburg ee gobolka Gauteng ee dalka Koonfur Afrika ayaa la xiray, kadib markii ay diideen inay bixiyaan lacago lagu soo rogay. Muddo bil laga joogo, dagaal rasaas la isku adeegsaday ayaa la sheegay inuu ka […]

- Advertisement -

5 Dukaan oo Cusub oo dhawaan Ganacsato Soomaali ah ay ka furtenn deegaanka Tsakane ee hoostega degmada Ekurhuleni ee Magaalada Johannesburg ee gobolka Gauteng ee dalka Koonfur Afrika ayaa la xiray, kadib markii ay diideen inay bixiyaan lacago lagu soo rogay.

Muddo bil laga joogo, dagaal rasaas la isku adeegsaday ayaa la sheegay inuu ka dhacay dukaan cusub oo ay Soomaalidu ka furatay waddada lagu magacaabo Malandela, in kastoo is rasaaseynta dhexmartay dadka deegaanka iyo Ganacsatadii laheyd dukaanka aysan geysan wax khasaaro ah.

- Advertisement -

Dadka deegaanka Tsakane ayaa xili hore kulan ay yeesheen waxay ku go’aansadeen in aan la ogolaan karin dukaanno dheeri ah oo ajaanibta ay deegaankoda ka furtaan madaama deegaanka uu  markii hore la ciir ciirayay ganacsiga ajaanibta oo wado walba ku yaala

Rashiid Cabdullaahi oo ah kamid ah milkiilayashii Dukaamada laga xiray ayaa sheegay in isaga iyo milkiilaha guriga uu dukaanka ka furtay loo hanjabay dhowr jeer, wuxuuna sheegay in qaar ka mid ah dadka deegaanka Tsakane ay u yimaadeen, isla markaana  ay weydiyeen in uu bixiyo lacag dhan R1,500 si dukaankiisu ugu sii furnaado.

Ugu dambeyn Rashiid ayaa tilmaamay in uu wali la tacaalayo dhibaatadii ka soo gaartay boob iyo gubida loo geeystay dukaan uu ku lahaa Gobolka Limpopo, isla markaana uusan awood u laheyn xiligaan uu bixin lacagta lagu soo rogay.

- Advertisement -

Dalka Koonfur Afrika ayaa goobo ganacsi oo badan ku leh Muwaadiniin Soomaaliyeed oo xiliyada qaarkood halkaas dilal kala duwan iyo goobo baahsan loogu geysto, mana jirto cid arrintaas xil-saartay sidii wax looga qaban lahaa.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories