HomeWararGuddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo gaaray Baladweyne

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo gaaray Baladweyne

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa gaaray Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan Maxamed iyo wafdi uu hoggaamiyay, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay. Garoonka diyaaradaha Ugaas Khilaaf ayaa wafdiga Guddoomiye Luqmaan oo isugu jiray Xildhibaano, Wasiiro iyo Saraakiil Ciidan waxaa kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa gaaray Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan Maxamed iyo wafdi uu hoggaamiyay, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Garoonka diyaaradaha Ugaas Khilaaf ayaa wafdiga Guddoomiye Luqmaan oo isugu jiray Xildhibaano, Wasiiro iyo Saraakiil Ciidan waxaa kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka iyo xubno kale.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa loo galbiyay Xarunta Maamulka Gobolka oo uu ku sugan yahay Madaxweyne ku-xigeenka maamulkaas Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed oo maalmo kahor Magaaladaas tegay.

Ujeedka wafdiga ka socday Hirshabeelle ee Magaalada Baladweyne ayaa waxaa uu yahay sidii loo xalin lahaa tabashooyinkii ka dhashay doorashadii ka dhacday Magaalada Jowhar iyo dhismaha maamulka Hirshabeelle oo ay qabaan dadka degan Hiiraan.

Waxaa la filayaa in Guddoomiye Cabdixakiin Luqmaan uu kulamo la qaato Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, isla markaana uu bilaabo xalinta tabashooyinka ka dhashay doorashada.

- Advertisement -

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Baladweyne ka dhacayay banaanbaxyo rabashado watay oo looga soo horjeeday Hirshabeelle iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe, iyadoona xusid mudan tahay in banaanbaxayada dad loo xiray, waxaana xusid mudan in amniga Magaalada siweyn loo adkeeyay.

Wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa Maanta waxaa diyaarad markii hore ay ka raaceen Magaalada Jowhar kula ciladowday meel ku dhow Baladweyne, kadib markii uu halaabay mid kamid Matoorada diyaarada.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts