HomeWararPuntland oo hirgelisay Xarun hor leh oo lagu baarayo Cudurka COVID-19

Puntland oo hirgelisay Xarun hor leh oo lagu baarayo Cudurka COVID-19

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Wasaaradda caafimaadka Maamulka Puntland oo kaa shanaysa Wold Vision ayaa maanta Magaalada Galkaacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ka furtay shaybaarkii saddexaad ee Puntland lagu baarayo caabuqa Covid19. Daahfurka maanta waxaa ka qaybgalay Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Cabdinaasir Yuusuf Xaaji oo uu weheliyo agaasimaha guud Dr Cabdirisaaq Xirsi Xasan oo shalay safar shaqo ku tagay Magaalada Galkacyo. […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasaaradda caafimaadka Maamulka Puntland oo kaa shanaysa Wold Vision ayaa maanta Magaalada Galkaacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ka furtay shaybaarkii saddexaad ee Puntland lagu baarayo caabuqa Covid19.

Daahfurka maanta waxaa ka qaybgalay Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Cabdinaasir Yuusuf Xaaji oo uu weheliyo agaasimaha guud Dr Cabdirisaaq Xirsi Xasan oo shalay safar shaqo ku tagay Magaalada Galkacyo.

- Advertisement -

Shaybaarka maanta laga daahfuray magaalada Galkacyo ayaa noqonaya kii saddexaad oo lagu baari doono Covid19, wasaaaradda ayaa horay labo shaybaar hirgalisay magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso.

Shaybaarkaan ayaa loogu talagalay in lagu baaro dadka dagan gobolka Mudug iyo deegaanada ku dhaw. Agaasimaha Guud Dr Abdirisaaq iyo wasiir ku-xigeenka Cabdinaasir oo hadal kooban ka jeediyay furitaanka shaybaarka ayaa hoosta ka xariiqay in shaybaarkaan loogu talagay sidii looga jawaabi lahaa baahiyaha dadka deegaanka ku nool ayna ugu fududaan lahayd in dhakhso ay uhelaan jawaabtooda dadka iskaga shakiya xanuunka.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda ayaa sidoo kale uga mahadceliyay hay’adda World Vision inay kala qayb qaadatay helitaanka shaybaarkan.

- Advertisement -

Wasaaradda ayaa culayska saartay tan iyo markii xanuunka uu soo gaaray soomaliya sidii looga haqabtiri lahaa bulshada Puntland helitaanka shaybaarada lagu baaro xanuunka aduunka saameeyay ee Covid19.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts