HomeWararC/raxmaan C/shakuur oo Sharci darro ku tilmaamay Xil-wareejintii R/wasaaraha Cusub

C/raxmaan C/shakuur oo Sharci darro ku tilmaamay Xil-wareejintii R/wasaaraha Cusub

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa ka hadlay xil-wareejintii Ra’iisul wasaaraha Cusub ee dhawaan la magacaabay, waxaana  eed kulul u jeediyay Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya. Cabdiraxmaan cabdi Shakuur ayaa sheegay in ay sharci darro ay ahayd qaabka ay xil wareejintu u dhacday iyo waddada loo maray, in siihaya Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa ka hadlay xil-wareejintii Ra’iisul wasaaraha Cusub ee dhawaan la magacaabay, waxaana  eed kulul u jeediyay Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Cabdiraxmaan cabdi Shakuur ayaa sheegay in ay sharci darro ay ahayd qaabka ay xil wareejintu u dhacday iyo waddada loo maray, in siihaya Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka uu xilka ku wareejiyo Ra’iisul wasaaraha Cusub maxamed Xuseen Rooble ayuu ku sheegay in ay tahay mid aan sharciga waafaqsanayn oo sida uu sheegay uu mas’uul ka yahay Madaxweyne Maxmed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

- Advertisement -

Xasan Cali kheyre Ra’iisul Wasaarihi hore ee Soomaaliya ayuu sheegay in uu dalbaday in isagu xilka ku wareejiyo Ra’iisul Wasaaraha dhawaan lasoo magacaabay, uuna warqad u qortay sidii uu xilka u wareejin lahaa, balse waxaa uu sheegay in taa la baal maray uuna xilka wareejiayy ku Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii, waxaana uu sheegay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame in ay ahayd sharci darro iyo ku tumasho Dastuur.

Ra’iisul Wasaarihii hore  Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayuu sidoo kale eed u jeediyay Cabdi Cabdi Shakuur isagoo ku eedeyay in uu horay u gaystay falal aan sharciga waafsaqsanayn iyo ku xad gudbid shaqsiyaad, waxaa uu sheegay in Kheyre uu xilka ka dhigtay wax isaga iyo Farmaajo ay shirka ku yihiin, uuna ku tuntay waxyaabo badan oo uusan Dastuurku u Ogaleyn.

Waxaa uu sheegay in Xasan Cali kheyre uu hadda wajahay cawaaqib xumada ay leedaahy in sharciga la baalmaro iyo in lagu tagri falo awoodda Xilka dowladda, isagoo ku eedeyay Dhiibistii Qalbi-dhax, Xilka qaadistii Jawaari iyo weerarkii lagu qaaday CC Shakuur, waxaana uu sheegay in dhammaan waxyaabahaas oo dil ay ahayeen kuwo sharci darro, uuna mas’uul ka ahaa Kheyre, dhamaan waxyaabahaas uu ku sheegay sharci darrada ayuu sheegay Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur in Kheyre uu ugu daneynayay madaxweyne farmaajo, balse uusan dowladda iyo Nidaamka shaqo ku lahayn.

- Advertisement -

Ra’iisul wasaaraha cusub ayuu ugu baaqay in uu ku Cibra qaato Xasan cali Kheyre uusana ku shaqayn rabitaan shaqsi, balse uu ku shaqeeyo Dastuurka iyo waxa dantu ugu jirto dalka iyo dadka.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts