HomeWararWeerar khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Baladweyne

Weerar khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Baladweyne

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Wararka aan ka heleyno Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay fiidkii hore weerar loo adeegsadag Bam nooca gacanta lagu tuuro uu ka dhacay halkaas. Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in weerarka Bamka ahaa lagu qaaday goob maqaaxi ah oo ku taalla xaafadda Suuqa xoolaha ee Baladweyne, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay fiidkii hore weerar loo adeegsadag Bam nooca gacanta lagu tuuro uu ka dhacay halkaas.

Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in weerarka Bamka ahaa lagu qaaday goob maqaaxi ah oo ku taalla xaafadda Suuqa xoolaha ee Baladweyne, xili ay halkaas ku sugnaayeen dad shacab ah.

- Advertisement -

Inta la xaqiijiyay hal qof haweeney ah ayaa ku geeriyootay, halka saddex qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo dhammaantood la sheegay inay ahaayeen  dad shacab ah oo fadhiyay maqaaxida Bam-Gacmeedka lagu weeraray.

Dadka dhaawacmay ayaa si Deg-deg ah loogula cararay Xarun Caafimaad, waxaana intaas kadib goobta uu weerarka ka dhacay tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Magaalada Baladweyne, iyagoo sameeyay baaritaano aan wax natiijo ah kasoo bixin.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in goobta la weeraray ay meel aan sidaas uga fogeyn Saldhig ku leeyihiin Ciidanka AMISOM, ayna weerarka fuliyeen rag dhalinyaro, iyagoona durbo goobta ka baxsaday.

- Advertisement -

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa  xiliyada habeenkii ah mararka qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan iyo weeraro kala duwan, waxaana inta badan falalkaas sheegta Al-shabaab.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts