Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa si adag u cambaareeyay qaraxii ay dowladdu sheegtay in  Al-shabaab ka fuliyeen goob ay ku qaxweeyan bulshada.
Guddoomiyaha Cumar Filish ayaa yiri “Waxaan murugada iyo xanuunka la wadaagayaa ehellada dadkii qiimaha badnaa ee ku dhintay falkii waxuush nimada ahaa oo ay dagaalamayaasha Al-shabaab galabta ka geesteen Maqaaxida Blue Sky, Waa wax aad u foolxun dhaqanka ku saleysan daadinta dhiigga dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan oo ay caadeysteen Al-shabaabâ€.
Sidoo kale duqa magaalada Muqdisho ayaa baaq u diray Shacabka gobolka Banaadir isagoo yiri, “waa inaan dhamaanteena dowlad iyo shacab u midowna la dagaalanka Al-shabaab  oo had iyo jeer falal gurcan la beegsada dadkeena qiimaha badanâ€.
Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay Qaraxa galabta lala beegsaday Maqaayadda Blue Sky, Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay seddex qof oo uu ku jiro wiil yar oo caseeye ah kaasi oo sida la sheegay ilaa hadda aan la aqoonsan, waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan 7 ruux.