HomeWararwasiirka arimaha dibadda Ruushka oo farriin adag diray

wasiirka arimaha dibadda Ruushka oo farriin adag diray

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Wargeysyada Carabta ayaa faallooyin ka qoray booqasho wefti heer sare ah oo Ruush ahi ku tagay magaalada Dimishiq, weftigaas oo ay hogaaminayaan Yuri Borisov oo ah ra’isal wasaare ku xigeenka dalkaas iyo wasiirka arimaha dibadda Sergei Lavrov. Suxufiyiinta qaarkood ayaa booqashadaa ku tilmaamay in ay tahay mid xal loogu doonayo xiisadda siyaaseed ee Suuriya ka […]

- Advertisement -

Wargeysyada Carabta ayaa faallooyin ka qoray booqasho wefti heer sare ah oo Ruush ahi ku tagay magaalada Dimishiq, weftigaas oo ay hogaaminayaan Yuri Borisov oo ah ra’isal wasaare ku xigeenka dalkaas iyo wasiirka arimaha dibadda Sergei Lavrov.

Suxufiyiinta qaarkood ayaa booqashadaa ku tilmaamay in ay tahay mid xal loogu doonayo xiisadda siyaaseed ee Suuriya ka taagan, halka kuwo kalena u arkeen in booqashadaas ujeedadeedu tahay in dhidibada loo sii adkeeyo danaha Ruushka ee gobolka.

- Advertisement -

Wargeyska Ra’yi Al-Yoom ayaa faallo uu qoray ku yidhi “booqashadani waxay bigilka u afuufaysaa bilowga hawlaha dib u dhiska Suuriya iyo in dalka laga saaro qoolka cunaqabataynta dhaqaale ee Maraykanka, iyada oo Ruushku masuuliyaddaa qaadanayo maadaama uu yahay dawlad weyn. Waxaanu doonayaa inuu balaayiin doolar dalka geliyo oo weliba xoogga lagu saarayo dib u dhiska wixii uu dagaalku dumiyey. Waxay sidoo kale tahay go’aan Ruushku gaadhay oo ah inuu fariin u diro Maraykanka iyo dawladda dhulka haysata ee Israel oo nuxurkeedu yahay in Suuriya iyo hawlaha dib u dhiskeedu yahay khad cas oo aan lagu dhiirran karin.”

Wargeysku wuxuu intaa ku daray “arinta biyo kama dhibcaanka ahi waa in Lavrov, odayga diblomaasiyadda Ruushku, sido fikrado door ah oo siyaasadeed oo ka dhashay xidhiidho ay yeesheen Ruushka, Turkiga iyo Maraykanka oo uu hor dhigo madaxweynaha Suuriya marka ay kulmaan. Sababta oo ah ninkaas odayga ahi, waa Lavrov e, Dimishiq oo uu ka maqnaa muddo sideed sanadood ah uma tagin oo keliya hadal ku saabsan mashaariicda dib u dhiska oo aan sideedaba ahayn arin khusaysa wasaaraddiisa.”

Faallada oo sii socotay ayaa wargeysku kuu yidhi “ma rabno in aan ku talax tagno oo aan nidhaahno waa booqasho ay dhici karto in ay tahay tii ugu miisaanka cuslayd tan iyo ‘gurmadkii’ milatari ee lagaga hortagay in dawladdaas la rido oo Maraykanku isku soo dumay 65 dal kuna bixiyey boqolaal milyan oo doolar si loo rido maamulkaas……laakiin ifafaalaha hor dhaca ah ee shirkii jaraa’id ee wada jirka ahaa ayaa wax badan oo arimahaas ku saaban laga dheehan karayey. Waxaana suurto gal ah in lacagta Suuriya ee Lira noqoto waxa ka marag kici doona arintaas oo ay suurto gal noqon karto in qiimaheedu kor u kaco”.

- Advertisement -

Maxamed Saadiq Al-Xusayni oo maqaal ku qoray wargeyska Al-Binaa ee Lubnaan ka soo baxa ayaa isna yidhi “xogo laga helayo meelo badan oo u dhuun daloola goobaha lagu gooyo talada Ruushka ayaa tibaaxaya in weftigaa weyn ee Ruushka ee Dimishiq gaadhay uu wado aragti siyaasadeed oo dhamaystiran oo ka kooban saddex qodob oo aasaasiya oo danta Suuriya mudnaanta koobaad leedahay ka dibna ta Ruushka iyo dalalka kale ee ay Suuriya xulufada yihiin”.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories