HomeWararMaamulka Gobolka Banaadir oo War kasoo saaray Qaraxii Maqaayadda Blue Sky

Maamulka Gobolka Banaadir oo War kasoo saaray Qaraxii Maqaayadda Blue Sky

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa si adag u cambaareeyay qaraxii ay dowladdu sheegtay in  Al-shabaab ka fuliyeen goob ay ku qaxweeyan bulshada. Guddoomiyaha Cumar Filish ayaa yiri “Waxaan murugada iyo xanuunka la wadaagayaa  ehellada dadkii qiimaha badnaa ee ku dhintay falkii waxuush nimada ahaa oo ay dagaalamayaasha […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa si adag u cambaareeyay qaraxii ay dowladdu sheegtay in  Al-shabaab ka fuliyeen goob ay ku qaxweeyan bulshada.

Guddoomiyaha Cumar Filish ayaa yiri “Waxaan murugada iyo xanuunka la wadaagayaa  ehellada dadkii qiimaha badnaa ee ku dhintay falkii waxuush nimada ahaa oo ay dagaalamayaasha Al-shabaab galabta ka geesteen Maqaaxida Blue Sky, Waa wax aad u foolxun dhaqanka ku saleysan daadinta dhiigga dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan oo ay caadeysteen Al-shabaab”.

- Advertisement -

Sidoo kale duqa magaalada Muqdisho ayaa baaq u diray Shacabka gobolka Banaadir isagoo yiri, “waa inaan dhamaanteena dowlad iyo shacab u midowna la dagaalanka Al-shabaab  oo had iyo jeer falal gurcan la beegsada dadkeena qiimaha badan”.

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay Qaraxa galabta lala beegsaday Maqaayadda Blue Sky, Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay seddex qof oo uu ku jiro wiil yar oo caseeye ah kaasi oo sida la sheegay ilaa hadda aan la aqoonsan, waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan 7 ruux.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories