HomeWararTirada dadka ku dhintay dagaalkii Xabsiga dhexe ee Xamar oo korortay

Tirada dadka ku dhintay dagaalkii Xabsiga dhexe ee Xamar oo korortay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa Goordhow shaaciyay Khasaaraha rasmi ah ee ka dhashay dagaalkii shalay Xarunta Xabsiga Dhexe ee Xamar ku dhexmaray Maxaabiis ku jirta xabsiga iyo Ciidanka ilaalada ka haayay halkaas. Afayeenka Ciidanka Asluubta G/sare Cabdiqani Maxamed Qalaf oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa Goordhow shaaciyay Khasaaraha rasmi ah ee ka dhashay dagaalkii shalay Xarunta Xabsiga Dhexe ee Xamar ku dhexmaray Maxaabiis ku jirta xabsiga iyo Ciidanka ilaalada ka haayay halkaas.

Afayeenka Ciidanka Asluubta G/sare Cabdiqani Maxamed Qalaf oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, uuna socday muddo ku dhow laba saacadood, wallow markii dambe lasoo afjaray.

- Advertisement -

Afhayeen Cabdiqani Qalaf ayaa sheegay in dagaalka ay ku geeriyoodeen 15 Maxaabiis ah oo ay ku jiraan kuwii marka hore qoryaha qaatay ee weerarka ku bilaabay Ciidanka ilaalada Xarunta xabsiga, waxaana halkaas ku dhaawacmay 7 Maxbuus, kuwaasi oo si la geeyay Xarum Caafimaad.

Sidoo kale Afhayeenka Asluubta ayaa sheegay in Ciidanka Ilaalada Xabsiga dhexe dagaalka looga dilay Afar Askari, halka mid kalena dhaawac uu soo gaaray, kaasi oo la dhigay Xarun Caafimaad si loogu dabiibo.

Ugu dambeyn Afhayeen sare Cabdiqani Maxamed Qalaf ayaa waxaa tilmaamay in xaaladda xabsiga haatan ay tahay mid degan, isla markaana la aasay maxaabiistii halkaas ku geeriyootay, ayna howlihii xabsiga si caadi ah dib ugu soo laabteen.

- Advertisement -

Si kastaba dagaalkii shalay ka dhacay Xabsiga dhexe ee Xamar ayaa yimid, kadib markii 4 kamid ah Maxaabiista ku jirta halkaas ay qoryo ka qaateen Ciidamo ilaalo ka haayay Xarunta, iyadoo dagaal adeg uu goobta ka dhacay, hayeeshee markii dambe afarta Maxbuus ay toogteen Ciidanka amniga dowladda oo weerarka soo afjaray.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts