HomeWararWararkii ugu dambeeyay Qaraxii ka dhacay Muqdisho + Sawirro

Wararkii ugu dambeeyay Qaraxii ka dhacay Muqdisho + Sawirro

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax xoogan oo Maanta ka dhacay agagaarka Isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, kaasi oo lala eegtay Kolonyo galbinaysay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage. Qaraxaas oo ahaa mid loo adeegsaday gaari nooca Soomaalida u taqaano Saaruf oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa, waxaana Darawalkii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax xoogan oo Maanta ka dhacay agagaarka Isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, kaasi oo lala eegtay Kolonyo galbinaysay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage.

Qaraxaas oo ahaa mid loo adeegsaday gaari nooca Soomaalida u taqaano Saaruf oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa, waxaana Darawalkii waday uu doonayay inuu soo dhexgalo kolanyada Ilaalada u aheyd taliyaha Ciidamada, hayeeshee rasaas ayaa lagu furay gaariga, sidaasina uu ku qarxay.

- Advertisement -

Taliyaha Ciidanka Xoogga Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa waxaa uu sheegay in bartilmaameedka qaraxaas uu isagu ahaa, hayeeshee uu ka badbaaday.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaas, waxaana waraar la helayo ay sheegayaan  inuu ku dhintay hal qof, halka in ka badan 10 qof kalena dhaawac uu soo gaaray, kuwaasi oo xiliga uu qaraxu dhacayay goobta ka Agdhawaa.

Ciidamo ka tirsan ka dowladda oo isugu jira Milateri iyo Boolis ayaa xiray aaga uu qaraxu ka dhacay, isla markaana waxaa halkaas laga daabulay sida sheegay dadkii waxyeelada soo gaartay oo la geeyay Xarumo Caafimaad.

- Advertisement -

Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxu ka dhacay laguna faafiyay baraha Bulshada ayaa waxaa lagu arkayay gaarigii qaraxa waday oo gebi ahaan burbur xoogan uu soo gaaray, sidoo kalena ay burbureen goobo Ganacsi oo halkaas ku yaalla.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Laamaha amniga dowladda Federaalka oo ay uga hadlayaan qaraxaas uu ka badbaaday Taliye Odawaa Yuusuf Raage, waxaana xiliga lala eeganaayay qaraxaas uu ka baxay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts