HomeWararDFS oo Digniin u dirtay Maraakiib kalluumeysi sharci darro ka wada xeebaha

DFS oo Digniin u dirtay Maraakiib kalluumeysi sharci darro ka wada xeebaha

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Kolonyo maraakiib kalluumaysi ah oo laga leeyahay waddanka Iiraan ayaa waxaa lagu arkay iyagoo ka howlgalaya biyaha Soomaaliya oo si sharcidarra ah halkaas uga kalluumaysanaya, sida uu sheegay Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda ee Soomaaliya Cabdullaahi Bidhaan Warsame. Wasiirka oo la hadlayay BBCda ayaa sheegay in bartamihii Bishii Maarso ay digniin u direen dowladda Iiraan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Kolonyo maraakiib kalluumaysi ah oo laga leeyahay waddanka Iiraan ayaa waxaa lagu arkay iyagoo ka howlgalaya biyaha Soomaaliya oo si sharcidarra ah halkaas uga kalluumaysanaya, sida uu sheegay Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda ee Soomaaliya Cabdullaahi Bidhaan Warsame.

Wasiirka oo la hadlayay BBCda ayaa sheegay in bartamihii Bishii Maarso ay digniin u direen dowladda Iiraan hasayeeshee aanay aanay wax tallaaba ah qaadin.

- Advertisement -

“Maadaama Iiraaniyiinta naga dhaxayn xiriir diblumaasiyadeed, dhibbay nagu noqotay inaan markiiba gaarno laakiin dacwaddaas waannu gudbinnay wayna haystaan, markii ay waxba ka qaban waayeenna adduunweynaha iyo ciddii kale ee aan rabnay inay garab naga siiyaan tuuganimadaas cad oo bareerka ah baan u gudbinnay,” ayuu yiri wasiir Bidhaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay la timid qalab casri ah oo ka caawin kara la socodka dhaqdhaqaaqa maraakiibta ee xeebaha dalka.

Kalluumaysiga sharcidarra ah ayaa ah mid si weyn ugu baahsan biyaha Soomaaliya walow ay badda ku sugan yihiin ciidamo caalami ah oo ka kala socda dalal kala gadisan

- Advertisement -

Bishii Maarso, dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay uga digtay dalalka Iiraan iyo Pakistan kalluumaysiga sharcidarrada ah ee ay ku hayaan biyaheeda. Dowladda ayaa waxa ay hore u xirtay tobannaan kalluumaysato oo u dhalatay dalka Iiraan oo la qabtay iyagoo ka kalluumaysanaya biyaha Soomaaliya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts