Wararka ka imaanaya degmada Mahaday ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in saakay halkaas uu ka dhacay qarax Miino oo geystay khasaaro,waxaana kasoo baxaya faahfaahino kala duwan.
Qaraxaan oo ahaa Miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa waxaa ku dhaawacmay hal qof oo shacab ah, waxaana dhaawiciisa loo qaaday magaalda Jowhar ee isla gobolka Sh/dhexe si halkaas loogusoo dabiibo.
Qaraxa ayaa waxaa lagu aasay dhinca waddada gasha xerada Amisom oo dhanka bari kaga taallo degmada Mahaddaay waxaana inta badan qaraxyada noocaas ah lala beegsadaa ciidamada AMISOMiyo kuwa dowladda fedraalka.