HomeWararMas’uul ka tirsan Maamulka G/Banaadir oo xaaskiisa dishay

Mas’uul ka tirsan Maamulka G/Banaadir oo xaaskiisa dishay

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Guddoomiye waaxeed ka tirsan Maamulka Degmada deyniile ee Gobolka Banaadir oo saakay lagu dhex dilay Guri uu deganaa oo ku yaalla degmadaas. Dilka Guddoomiyaha Waaxda Halgan ee degmada Deyniile ayaa waxaa la sheegayaa in loo adeegsaday tooreey, iyadoo la xusay in falkaas ay ka dambeysa xaaskiisa uu qabay. […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Guddoomiye waaxeed ka tirsan Maamulka Degmada deyniile ee Gobolka Banaadir oo saakay lagu dhex dilay Guri uu deganaa oo ku yaalla degmadaas.

Dilka Guddoomiyaha Waaxda Halgan ee degmada Deyniile ayaa waxaa la sheegayaa in loo adeegsaday tooreey, iyadoo la xusay in falkaas ay ka dambeysa xaaskiisa uu qabay.

- Advertisement -

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cabduqaadir Fooldibi ayaa waxaa marka hore soo gaaray dhaawac Culus, maadaama tooreeyda looga dhuftay meel halista ah, kadibna waxaa la geeyay Isbitaalka Digfeer, iyadoo markii dambe halkaas uu ku geeriyooday.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Guddoomiye Cabduqaadir Fooldibi iyo xaaskiisa uu soo kala dhex galay muran kooban oo aan weli wax faah faahin laga helin, kaasi oo markii dambe sababay gacan ka hadal.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir oo ay uga hadlayaan falkaas lagu dilay Guddoomiyihii waaxda Halgan ee Cabduqaadir Fooldibi.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts