HomeWararWararkii ugu dambeeyay Khasaaraha ka dhashay Qaraxii duleedka Muqdisho

Wararkii ugu dambeeyay Khasaaraha ka dhashay Qaraxii duleedka Muqdisho

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay Qarax xoogan oo saakay ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho, kaasi oo ahaa miino  nooc dhulka lagu aaso ah, Jugtiisana laga maqlay xaafaddo dhowr ah oo ku yaalla halkaas. Qaraxaas ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay inta u dhexeeyso deegaanada Lafoole iyo Xaawo Cabdi ee duleedka Muqdisho, iyadoona uu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay Qarax xoogan oo saakay ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho, kaasi oo ahaa miino  nooc dhulka lagu aaso ah, Jugtiisana laga maqlay xaafaddo dhowr ah oo ku yaalla halkaas.

Qaraxaas ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay inta u dhexeeyso deegaanada Lafoole iyo Xaawo Cabdi ee duleedka Muqdisho, iyadoona uu haleelay Gaari nooca dadweynaha ay raacaan ee loo yaqaano Hoomey-da.

- Advertisement -

Dad goobjoogayaal ah oo ku sugnaa halkaas oo la hadlay Idaaacada Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in qaraxa uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dadkii saarnaa gaarigaas.

Warar la helayo ayaa sheegaya in qaraxan ay ku dhinteen 10 qof, halka in ka badan 13 qof kalena uu dhaawac soo gaaray, isla markaana waxaa la geeyay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Muqdisho, si xaaladooda Caafimaad loogu dabiibo.

Wadada u dhexeeysa Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay qaraxyo miino nooca dhulka lagu aaso ah oo lala eegtay gaadiid ay la socdeen Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka iyo gaadiid kale oo saarnaayeen dad shacab ah, waxaana qaraxyadaas ka dhashay Khasaarooyin kala duwan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts