HomeWararQaad si qarsoodi ah loo soo geliyay Muqdisho oo la gubay

Qaad si qarsoodi ah loo soo geliyay Muqdisho oo la gubay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Md. Maxamed Cabdullaahi Tuulax oo ay wehliyaan Hey’addaha Garsoorka, Taliska Qeybta Galbeed ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Guddoomiyaha Degmada Wadajir ayaa dibada xarunta Saldhiga Wadajir ku gubay 51 jawaan oo Maandooriyaha Khaat ah kaasi oo si sharci darro ah lagu soo geliyay Muqdisho. Taliyaha Qeybta Galbeed ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Md. Maxamed Cabdullaahi Tuulax oo ay wehliyaan Hey’addaha Garsoorka, Taliska Qeybta Galbeed ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Guddoomiyaha Degmada Wadajir ayaa dibada xarunta Saldhiga Wadajir ku gubay 51 jawaan oo Maandooriyaha Khaat ah kaasi oo si sharci darro ah lagu soo geliyay Muqdisho.

Taliyaha Qeybta Galbeed ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Taliye Yuusuf Xundubey iyo Maamulka Degmada Wadajir ayaa Habeenkii xalay ahaa Howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ugu suura gashay in ay gacanta kusoo dhigaan gawaari lagu siday Khaat.

- Advertisement -

Xeer ilaalinta iyo Maxkamada Gobolka Banaadir oo goobta ku sugnaa ayaa xukunno 6 bilood oo xarig ah ku riday Milkiilayaasha Gawaaridaasi oo Afar ruux ah kuwaasi oo baxsad ah, iyadoona sidoo kale Laamaha Garsoorka oo cuskanaya qodobo dastuuri ah sheegay in lala wareegay 4 Gawaari oo ahaa kuwii lagu qabtay Khaat-ka.

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Md. Mohamed Tuulah oo warfidiyeenada goobta kula hadlay ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin kuwa aan u hogaan-samin awaamiirta Dowladda oo ahaa in aan wax khaat ah lasoo gelin-karin dalka, maadaama lala dagaalayo Caabuqa COVID19, isla markaana Khaat-ka uu ka mid yahay Maandooriye aan caafimaad ahaan Bulshada u wanaagsaneen sahli karana faatitaanka Caabuqa COVID19.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxa ay laamaha Amaanka Gobolka Banaadir ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan, Doomo iyo Gawaari si sharci darro ah Magaalada Muqdisho kusoo gelinayay maandooriyaha Khaat-ka iyadoona lala wareegay gaadiidkaasi jibiyay amarada Dowladda.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts