HomeWararDil ka dhacay Boosaaso iyo faah faahin kasoo baxeysa

Dil ka dhacay Boosaaso iyo faah faahin kasoo baxeysa

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Faah faahin ayaa laga helayaa Rag ku hubeysan Bastoolado oo gudaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ku dilay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Canshuuraha Bariga ee Maamulka Puntland. Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in Sarkaalka la dilay xili uu ku sugnaa Xarun Ganacsi oo lagu magacaabop Yamayska, isagoona u geeriyooday rasaas looga dhuftay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Faah faahin ayaa laga helayaa Rag ku hubeysan Bastoolado oo gudaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ku dilay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Canshuuraha Bariga ee Maamulka Puntland.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in Sarkaalka la dilay xili uu ku sugnaa Xarun Ganacsi oo lagu magacaabop Yamayska, isagoona u geeriyooday rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa.

- Advertisement -

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Faarax Maxamed oo loo yaqaan Caynab, isagoo kamid ahaa Ciidanka Canshuuraha Bariga, waxaana goobta uu falka ka dhacay si deg deg ah uga baxsaday ragii hubeysnaa.

Intaas kadib Ciidamo ka tirsan kuwa laamaha amniga Boosaaso ayaa daqiiqado kadib tegay halka uu dilku ka dhacay, isla markaana kasoo qaaday Meydka, sidoo kalena ka wada howlgal baaritaano ah.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in howlgalka lagu qabtay dad goobta ka Agdhawaa xiligii la dilayay Faarax Maxamed, waxaana weli socda baaritaano, iyadoo uu hakad ku jiro qeyb kamid ah Ganacsiga ku yaalla halkaas.

- Advertisement -

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geysto Askarta ka tirsan Ciidanka Puntland ee halkaas ku sugan, waxaana dilalkaas inta badan sheegtay Al-shabaab.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts