HomeWararDowladda oo beenisay in Ciidamo la dul-dhigay Guriga Sheekh Shariif

Dowladda oo beenisay in Ciidamo la dul-dhigay Guriga Sheekh Shariif

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Baraha Bulshada lagu faafiyay warara sheegayay in dowladda Soomaaliya ay Ciidamo ka tirsan Booliska dul-geysay Guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed, hayeeshee arrintaas ayaa waxaa ka hadashay dowladda. Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in Ciidamo ka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Baraha Bulshada lagu faafiyay warara sheegayay in dowladda Soomaaliya ay Ciidamo ka tirsan Booliska dul-geysay Guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed, hayeeshee arrintaas ayaa waxaa ka hadashay dowladda.

Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in Ciidamo ka tirsan dowladda la du-geeyay Guriga Sheekh Shariif oo ku yaalla agagaarka Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Qoraal uu soo saaray Wasiirka amniga ayuu ku sheegay in Sheekh Shariif uu dowladda ka mudan tahay ixtiraam, wuxuuna sheegay in wararkaas ay faafiyeen dad ujeedkoodu yahay fitno iyo colaad abuur.

Sidoo kale  Wasiirka amniga ayaa waxaa uu dadka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan dadka mas’uuliyiinta ah ugu baaqay inay iska hubiyaan wararka ay bulshada la wadaagayaan ee keeni kara kicin colaad iyo Amni darro.

“Ma jiro ciidan dowladeed oo la dul dhigay ama weerar ku ah madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo naga wada mudan ixtiraam.Waxaan caddeynayaa in warkaasi yahay been abuur aan sal iyo raad lahayn oo ay wadaan dad ujeedkoodu yahay fitno iyo colaad abuur. Waxaan ugu baaqayaa Soomaalida iyo gaar ahaan dadka mas’uuliyiinta ah inay iska hubiyaan wararka ay bulshada la wadaagayaan ee keeni kara kicin colaad iyo Amni darro” ayuu yiri Wasiir Islow.

- Advertisement -

Si kastaba Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay inuu Ciidamo ka tirsan dowladda dul-dhigay Guriga Sheekh Shariif, hayeeshee dowladda ayaa beenisay Warkaas.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts