HomeWararWafdi uu ku jiro Kamaal Guutaale oo gaaray Dhuusamareeb

Wafdi uu ku jiro Kamaal Guutaale oo gaaray Dhuusamareeb

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa gaaray wafdi uu hogaaminayay Safiirkii hore ee Soomaaliya Ambassador Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan. Wafdiga ayaa waxaa qeyb  ka ahaa Siyaasiga Kamaal Guutaale oo kamid ahaa Musharixiintii u tartamay xilka Madaxweynaha Galmudug, balse markii dambe ka tanaasulay iyo xubno kale, waxaana Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Dhuusamareeb […]

- Advertisement -

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa gaaray wafdi uu hogaaminayay Safiirkii hore ee Soomaaliya Ambassador Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan.

Wafdiga ayaa waxaa qeyb  ka ahaa Siyaasiga Kamaal Guutaale oo kamid ahaa Musharixiintii u tartamay xilka Madaxweynaha Galmudug, balse markii dambe ka tanaasulay iyo xubno kale, waxaana Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Dhuusamareeb iyo xubno kale.

- Advertisement -

Mas’uuliyiintaan ayaa inta uu ku sugan yihiin halkaas ayaa waxaa ay kulan la qaadan doonaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, iyagoona ka wada hadli doono Arrimo kala duwan oo ku aadan Galmudug.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa saacad kahor kulan la qaatay Wasiirkii hore ee Arimaha Guddaha Soomaaliya C/Samad Macalin Maxamuud oo ah xubin siyaasad ahaan aad ugu dhow Ahlusunna Waljamaaca ee uu Hogaamiyo Macalin Maxamuud Sh Xassan.

Labada dhinaca ayaa ka wada hadlay sidii hogaankii Ahlusunna looga soo qayb galin lahaa Munaasabada Caleema-saarkiisa, kadibna looga tashan lahaa sidii loo dhameyn lahaa tabashooyinka iska jiray.

- Advertisement -

Qoorqoor ayaa sheegay inuu dadaal badan uu ku bixi doono sidii loo xalin lahaa cabashooyinkii ka dhashay Doorashadii Galmudg eek a dhacday Magaalada Dhuusamareeb, isagoona horey ula kulmay Xildhibaano Mucaarad ku ahaa.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories