HomeWararMadasha Xisbiyada oo War kasoo saaray weerar lagu qaadi rabay Sheekh Shariif

Madasha Xisbiyada oo War kasoo saaray weerar lagu qaadi rabay Sheekh Shariif

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Madasha Xisbiyada Qaran ee uu hogaamiyo Madaxweeynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa War-saxaafadeed kasoo saaray isku-day ay sheegeen inuu u muuqday weerar gaadmo ah oo la doonayay in lagu beegsado Xarunta Madasha iyo hoyga Sheekh Shariif. Qoraalka Madasha Xisbiyada ayaa waxaa lagu sheegay in Isku-dayga weerarkaas uu ahaa mid lagu bartilmaameedsanayay hogaamiyaha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madasha Xisbiyada Qaran ee uu hogaamiyo Madaxweeynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa War-saxaafadeed kasoo saaray isku-day ay sheegeen inuu u muuqday weerar gaadmo ah oo la doonayay in lagu beegsado Xarunta Madasha iyo hoyga Sheekh Shariif.

Qoraalka Madasha Xisbiyada ayaa waxaa lagu sheegay in Isku-dayga weerarkaas uu ahaa mid lagu bartilmaameedsanayay hogaamiyaha Madasha Sheekh Shariif, iyagoona arrintaas ku tilmaamay mid lagu abuurayo xasilooni-darro Siyaasadeed iyo amni darro.

- Advertisement -

Sidoo kale Madasha ayaa Madaxtooyadda Soomaaliya ku eedeysay inay weerarka la qorsheysanayay ay gadaal ka taagneyd, waxaana ay sheegeen in aysan jirin sabab habeen madow Ciidamo ka tirsan dowladda loo dul-geeyo Guriga Sheekh Shariif.

Ugu dambeyntii Madasha Xisbiyada Qaran ayaa Saraakiisha iyo Ciidanka dowladda uga digay in loo adeegsado hurinta Colaado iyo Isku dhacyo Ciidan.

Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa beeniyay in Ciidamo ka tirsan dowladda la dul dhigay Guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed oo ku yaalla agagaarka Garoonka Aadan Cadde.

- Advertisement -

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Madasha Xisbiyada.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts