HomeWararMadax Caalami ah oo Khadka taleefanka kula soo xiriiray Madaxweyne Farmaajo

Madax Caalami ah oo Khadka taleefanka kula soo xiriiray Madaxweyne Farmaajo

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka taleefanka waxaa kula soo xiriiray Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogan. Madaxweyne Ordogan ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay qaraxii shalay ee Ex-Kaantarool, waxa uuna tilmaamay in Turkigu shacab iyo dowladba ay la qaybsanayaan walaalahooda Soomaaliyeed dhibaatada soo gaartay. […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka taleefanka waxaa kula soo xiriiray Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogan.

Madaxweyne Ordogan ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay qaraxii shalay ee Ex-Kaantarool, waxa uuna tilmaamay in Turkigu shacab iyo dowladba ay la qaybsanayaan walaalahooda Soomaaliyeed dhibaatada soo gaartay.

- Advertisement -

Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey dhigiisa Turkiga, xukuumadda iyo shacabka dalkaas garab istaagga joogtada ah ee ay u muujinayaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo adkeeyey in ficillada wuxuushnimada ah ee noocaan oo kale ah aysan marna ka horjoogsanayn shacabka iyo dowladda Soomaaliya hayaanka dib u dhiska iyo horumarinta dalka.

Sidoo kale, Madaxweyne waxa uu uga tacsiyeeyay Madaxweyne Ordogan iyo shacabka dalkiisa labadii halyeey ee u dhashay dalka Turkiga ee ku geeriyooday qaraxaas, kuwaas oo ,Alle ha u naxariistee, ku hawlanaa ka qeyb qaadashada dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaale ee dalkeenna.

Dhanka kale, Raiisul Wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Abiye Axmed ayaa khadka taleefanka kula soo xiriiray Madaxweyneha Jamhuuriyadda, isagoo uga tacsiyeeyay muwaadiniinta birmageydada ahaa ee argagixisadu ay ku xasuuqeen isgooyska Ex-Kaantarool.

- Advertisement -

Madaxweyne Farmaajo iyo Raiisul Abiye ayaa ka wada hadlay qorsheyaasha wadajirka ah ee lagu dabar gooynayo waxa loogu yeero argagixisada iyo muhiimadda ay leedahay in dalalka Gobolku ay dardar geliyaan dagaalka wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts