HomeWararSawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo Sagootiyey Dhaawacyo Culus oo la qaaday

Sawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo Sagootiyey Dhaawacyo Culus oo la qaaday

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku sagootiyay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle dhaawacyada 16 kamid ah dadkii rayidka ahaa ee ku waxyeelloobay qaraxii dhalay ka dhacay Isgooyska Ex-Kaantarool. Madaxweynaha ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyadan oo xaaladdooda caafimaad ay aad u culus tahay, waxa uuna eheladooda u xaqiijiyey in dowladdu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku sagootiyay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle dhaawacyada 16 kamid ah dadkii rayidka ahaa ee ku waxyeelloobay qaraxii dhalay ka dhacay Isgooyska Ex-Kaantarool.

Madaxweynaha ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyadan oo xaaladdooda caafimaad ay aad u culus tahay, waxa uuna eheladooda u xaqiijiyey in dowladdu ay ku bixin doonto dadaal kasta sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo dhammaystiran.

- Advertisement -

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga taciseeyey labada muwaadin ee u dhashay dalka Turkiga ee ku shahiiday qaraxa Ex-Kaantarool iyagoo ku garabsiinayey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dib u dhiska dalkooda, wuxuuna Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno ku abaal mariyo.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga gurmadkan caafimaad ee ay u soo direen shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan muwaadiniinteenna dhaawacyada ay kasoo gaareen qarixii wuxuushnimada ahaa ee ay soo abaabuleen aragixisada.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay sii xoojiyaan gurmadka loo fidanayo qoysaska ay dhibaateeyeen argagixisadu oo ay ka burburiyeen guryahooda iyo hantidooda, ayna laayeen ubadkooda iyo waalidiintooda.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts