HomeWararGabar Aroos Cusub aheyd oo seygeeda ku weyday Qaraxii shalay

Gabar Aroos Cusub aheyd oo seygeeda ku weyday Qaraxii shalay [Akhriso Qiso]

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad u badan shacab, waxaana uu guur ku taallo ku reebay qoysas badan. Qaali Ibraahim oo aheyd gabar 18 jir dhawaana guursatay ayaa seeygeyda ku weeyday Qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad u badan shacab, waxaana uu guur ku taallo ku reebay qoysas badan.

Qaali Ibraahim oo aheyd gabar 18 jir dhawaana guursatay ayaa seeygeyda ku weeyday Qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye, iyagoona is qabtay muddo ku dhow 4 bilood, isla markaana u laheyd Uur Saddex Bil ah.

- Advertisement -

Qaali ayaa wacday Telefoonka Seeygeeda markii maqashay Jugta qaraxa, waxaana xiligaas wax yar uu Seeygeyda ka baxay Guriga si uu nolol maalmeedkiisaa shaqo u soo raadiyo.

Taleefanka aad wacday lama heli karo ayaa durba loogu jawaabay taleefankii ay garaacday oo seygeeda lahaa, saacado murugo ah ka hor inta aysan xaqiiqsan geeridiisa iyada iyo sodogeed ayaa bilaabay inay Isbitaaladaa ka baadigoobaan, waxaana markii dambe ay aqoonsadeen qeybo ka mid ah jirkiisa oo gubtay.

Qaali ayaa ka aqoonsatay seygeeda qeybo ka mid ah jirkiisa oo aad u gubtay mid ka mid ah farahiisa oo nabar ay bar-garaneysay ku yaallay, waxaana sidaas ay ku xaqiiqsatay meydkiisa oo ay markii dambe soo aaseen qeybo ka mid ah jirkiisa.

- Advertisement -

Allaha u naxariistee Seyga Qaali ayaa lagu magacaabi jiray Mukhtaar Axmed, kaasi oo kamid ahaa dadka danta yar ee xoogsatada ah, waxaana uu kamid noqday dadkii ku geeriyooday Qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee Muqdisho.

In ka badan 80 Ruux ayaa ku geeriyootay Qaraxii Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye, halka 149 qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi  oo ay ku jireen Arday Jaamacadeed.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts