HomeWararDowladda oo shaacisay Khasaaraha ka dhashay Qaraxii Ex-Koontarool Afgooye

Dowladda oo shaacisay Khasaaraha ka dhashay Qaraxii Ex-Koontarool Afgooye

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay tirada dadkii waxyeelada ay kasoo gaartay Qaraxii saakay ka dhacay Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee Muqdisho, kaasi oo loo adeegsaday gaari laga buuxiyay waxyaabaha Qarrxa War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda ayaa waxaa lagu faah-faahiyay Khasaaraha ka dhashay qaraxaas. Sidoo kale Warka kasoo baxay Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay tirada dadkii waxyeelada ay kasoo gaartay Qaraxii saakay ka dhacay Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee Muqdisho, kaasi oo loo adeegsaday gaari laga buuxiyay waxyaabaha Qarrxa

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda ayaa waxaa lagu faah-faahiyay Khasaaraha ka dhashay qaraxaas.

- Advertisement -

Sidoo kale Warka kasoo baxay Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa waxaa sheegay in Wasaaradu ay Guddi Dhaqaatiir iyo Howlwadeenno Caafimaad u xilsaartay gurmadka qaraxii ka dhacay Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye.

Hoos ka Akhriso Warkasoo baxay dowladda Federaalka

Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxay maanta dhan ku howlaneed gurmadka iyo wax u qabashada dadkii dhibaatadu ku gaartay Qaraxii Musiibada ahaa ee ka dhacay Ekis-Kontrool, Afgooye.

- Advertisement -

Waxaa dhaawacyada loo qaybiyay 7 Isbitaal kuwaasoo isugu jira kuwa Guud iyo kuwa Gaarka loo Leeyahay, halkaas oo loogu fidinayo daryeel caafimaad.

Sidoo kale, waxaa la geeyay isbitaalada maydadka hada la xaqiijiyay oo dhan 79 ruux oo u geeriyooday qaraxii.

Waxaa ku dhaawacmay Qaraxa oo la geeyay isbitaallada 143 qof oo qaba dhaawacyoo kala duwan oo ka soo gaaray qaraxii maanta dhacay iyadoo 127 ka mid ah la jiifiyay Isbitaallada si loogu dabiibo.

Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada waxay u xilsaartay Guddi Dhaqaatiir iyo Howlwadeenno Caafimaad oo heer Wasaaradeed ah oo qaabilsan gurmadka musiibadii maanta dhacday.

Ilaahay ha u naxariisto inta geeriyootay inta dhaawaca ahna Allaah u booga dhayo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts