HomeMaqalDhageyso:-Muuse Suudi oo Eedeyn kulul u jeediyay Madaxweyne Farmaajo

Dhageyso:-Muuse Suudi oo Eedeyn kulul u jeediyay Madaxweyne Farmaajo

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Senater Muuse Suudi oo kamid ah Senatarada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya  ayaa Maanta Khudbad ka jeediyay Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe. Muuse Suudi ayaa waxaa marka hore ugu hambalyeeyay Axmed Madoobe Doorashii uu kusoo baxay ee ka dhacday Magaalada Kismaayo,isaga intaasi kadib ka hadlay arrimo kala duwan. Muuse Suudi ayaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Senater Muuse Suudi oo kamid ah Senatarada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya  ayaa Maanta Khudbad ka jeediyay Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Muuse Suudi ayaa waxaa marka hore ugu hambalyeeyay Axmed Madoobe Doorashii uu kusoo baxay ee ka dhacday Magaalada Kismaayo,isaga intaasi kadib ka hadlay arrimo kala duwan.

- Advertisement -

Muuse Suudi ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo haatan uusan jirin Heshiis laga raadinayo oo dhexmari lahaa isaga iyo Madaxda maamul Goboleedyada dalka ka jira.

“Farmaajo labada lugood mid Puntland ayaa ka goosatay mid kalena Jubbaland ayaa ka goosatay,Gacanta midna waxaa uga dhegan Galmudug,waxaa soo haray Calool iyo iyo Af iyo gacan bidix ah oo aan waxba lagu Cuni karin,intaasina lala mashaqeyn karo”ayuu yiri Senater Muuse.

Isaga oo sii hadlaayay Muuse Suudi ayuu weerar Afka ah ku qaaday Madaxweyne Farmaajo,waxaana uu tilmaamay in uusan jirin Farmaajo qof uu rabo,isla markaana qof waliba uu u adeegsado dadkeeda,sidoo kalena Kursigiisa uu yaallo iska horkeen oo kaliya.

- Advertisement -

Waxaa kaloo uu xusay in Farmaajo uu is qariyo,isla markaana amarada ka soo baxa loo dhiibo Wasiirada,kuwaasi oo sida uu rabo ku dhacaan.

Senater Muuse Suudi oo kamid ah Senatarada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya   ayaa kamid ahaa Mas’uuliyiintii lagu Casuumay Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Hoos ka Dhageyso Codka Senater Muuse Suudi.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts