HomeWararShirkadda Hormuud oo War kasoo saartay Burburintii Ciidanka Kenya u geysteen Xarun...

Shirkadda Hormuud oo War kasoo saartay Burburintii Ciidanka Kenya u geysteen Xarun ay laheyd

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Ciidamo ka tirsan dowladda Kenya ayaa waxaa ay qaraxyo ku burburiyeen xaruntii shirkadda Hormuud Telecom ay ku laheyd tuulada Caws-Qurun oo ku taalla Gobolka Gedo. Ciidanka Kenya ayaa burburinta Xarunta Shirka Hormuud u adeegsaday qaraxyo Miinooyin ah oo ay ku xireen dhismaha Xarunta,waxaana dhammaan qalabkii yaallay halkaas ay noqdeen kuwa burburay. War-saxaafadeed ka soo baxay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan dowladda Kenya ayaa waxaa ay qaraxyo ku burburiyeen xaruntii shirkadda Hormuud Telecom ay ku laheyd tuulada Caws-Qurun oo ku taalla Gobolka Gedo.

Ciidanka Kenya ayaa burburinta Xarunta Shirka Hormuud u adeegsaday qaraxyo Miinooyin ah oo ay ku xireen dhismaha Xarunta,waxaana dhammaan qalabkii yaallay halkaas ay noqdeen kuwa burburay.

- Advertisement -

War-saxaafadeed ka soo baxay Shirkadda Hormuud Telecom ayaa waxaa lagu sheegay in Abaare saqdii dhexe ee habeenimadii Jimcaha 22-kii Agoosto 2019, Ciidamada Kenya ay burburiyeen xaruntii shirkadda Hormuud Telecom ee tuulada Caws-Qurun,isla markaana qalabkii yaallay xarunta sida Tower-kii, Laba Dab-dhaliye, BTS, Link-yo iyo dhismihii xarunta oo gabi ahaanba burburay.

Sidoo kale Hormuud Telecom ayaa sheegtay burburinta Xarunta ay sababta in dad danyar oo ka badan 4,000 inay awoodi kari waayeen inay iibsadaan Cunto,Biyo Daawo iyo adeegyo kale oo aasaasi ah,kadib markii ay falkaas uu kala go’ ku keenay Isgaarsiinta iyo EVC Plus.

Ciidamada Kenya ayaa horey fal isugu jiray Dil iyo dhawac u geystay shaqaalaha shirkadda Hormuud Telecom,isla markaana waxaa ay burburiyeen xarumo badan oo ay laheyd Shirka.

- Advertisement -

Hoos ka Akhriso Waka ka soo baxay Shirkadda Hormuud Telecom.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts